berberatoday.com
War-murtiyeed ka soo baxay shirweynihii ka dhacay London Axadii 3/4/16 kaas oo ay isugu yimaadeen Gudida Guud ee KULAN UK iyo gudida Nus-danbeedka ee KULAN UK‏
April 6, 2016 - Written by Berbera Today
ِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ 
                           
                 Shirkaa waxaa si qoto dheer loo qaa-daa-dhigay oo looga hadley qodobadan hoos ku xardhan:
                

1. Waxaa la isku raacay in ururka KULAN UK uu yahay urur Samo fal ah oo ku foogan sidii uu uga shaqeyn lahaa Horumarinta dhiirigelinya arimaha Bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka , Degaanka iyo Afooyinka Dabiiciga ah oo ay  Abaaraha ku soo noq noqonayaa Somaliland waayadan danbe ay ugu horeeyaan.
2.Waxaa gudida  guud ee ururku isku raaceen in ay adkeeyaan midnimada, wadajirka iyo wada shaqeynta ururada kale ee degaanka ka hawlgala.
3.Waxaa Gudidu isla qaateen in ay meel uga soo wada jeestaan qaadhaan ururinta  abaaraha baahsan ee Somaliland ku habsaday.
4. Gudida musdanbeedka iyo gudida guud ee  KULAN UK waxay isku raaceen in ay reeban tahay in midhiyaha lagu deg-dego oo laga siidaayo hawraaro ama hadalo aan mariibneyn oo magacooda lagu metelo maadaama baryahan danbe  lagu arkay warbaahinta iyo mareegaha  Somaliland dad aan xil ka haynin labada gudi kana mid ahayn  gudiyada Guud ee KULAN UK  iyo   gudida musdanbeedka oo aan hawshaa loo igmanin oo warbaahinta ka hadlay.
5-Waxaa la isku raacay in midhiyaha ay ka hadli karaan oo keliya gudiyada KULAN UK iyo gudida nusdanbeedka ee KULAN  oo iyaga doorasho shirweyne lagu doortay. Gaar ahaan UK.  Waxay  Gudida KULAN UK ay fariin waayeelnimo u soo jeedinayaan in ay ka waantooban shaqsiyaadka darjiidhka medhiyaha bartay.
6. Waxaa gudida KULAN UK  isla qaadatay in dhamaan cabashooyinkii soo gaadhay ay u gudbin doonaan gudida mustanbeedka ee KULAN UK sida ugu dhakhsaha badan, Waxaana laysla qaatay in cabashooyinkaa lagu gorfeyn doono  shir wayne loo dhan yahay oo dhamaan  lagu marti qaadi doono dhamaan xubnaha KULAN UK iyo Gudiyada KULAN UK ee gobolada iyo Degmooyinka dalka ingiriiska.
7. Gudiga Guud ee KULAN UK waxay faraysaa in dhamaan gudiyadii KULAN UK  ee gobalada iyo degmooyinka dalka UK ka hawgeli jiray ay sidoodi  hore u sii wataan  hawlihii loo xilsaaray ee ay hore usii wadeen.
8- Waxay Gudidu ku soo afmeereen shirkoodii  in midnimada iyo Jiritaanka Somaliland ay tahay mar-kasta iyo goob-kasta biyo kama dhib-caan Lama-taab-taan muqadas ah.
                                        Xubnaha Gudida Guud ee KULAN UK loo dabo fadhiisan doonaa waa kuwan :

1-Gudoomiyaha KULANK UK               Abdirahman Mahumed ( Tuu-Baag )
2- Gudoomiye xigeenka KULAN UK . Mahamed Jaamac kibaar
3- Xoghayaha KULAN UK                      Abdi Yassin Kaarashe
4- Xoghayaha  Maaliyada KULAN UK . Mahdi Osman Dualeh
Guntii iyo Geba-Gebadii waxaa shirka lagu soo Gunaanadey Duco iyo Quraanka Kariimka ah, Waxaana uu shirku ku dhamaadey Jawi- aad u-farxad badan iyo Heshiis Wadareed af garad ah oo la isku wada Waafaqey.
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Somaliland Guul Waarta !!
Gudida Nusdanbeedka KULAN UK
                                                                        Contact email: mahdiduale@hotmail.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews