berberatoday.com
Wasiirka Cadami Oo Ka Hadalay Khilaafka Xisbiga Ucid Iyo Shantii Xubnood Ee Laga Saaray Xisbiga Kulmiye H
April 6, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka digay inuu sii xoogaysto khilaafka UCID, waxaanu sheegay in haddii uu sii socdo khilaafku inuu qaranimada iyo sumcada Somaliland wax yeelayo, waxaanu ku baaqay in la badbaadiyo xisbiga oo la dhammeeyo khilaafka taagan.

cadaami

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami,  oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Shantii xubnood ee ka mid ahaa Isbahaysiga ee laga saaray Xisbiga Kulmiye, waxaanu ugu horayn isagoo ka hadlaya khilaafka UCID uu yidhi  “Xisbiga UCID, waa Xisbi Qaran, oo ka mid ah Axsaabta Qaranka, khilaafkiisu inuu sii socdaa waa mid khatartiisa leh, waxa uu khatar ku yahay sumcada Qaranimada Somaliland, waxa uu khatar ku yahay Dimuqradiyada waxa ku faraxaya is qabsigaas iyo khilaafkaas cadawga Somaliland, in la soo afjaro ayaanu jecelnahay, in halkaas lagu damiyo ayaanu jecelnahay khilaafka, Jamaal Cali Xuseen, Faysal Cali Waraabe iyo Masuuliyiinta kale ee Xisbigu iyaga isku xisb ah, isku dan ahaa, heshiis wada galay, waxa u haboon inay heshiyaan ama inay si nadiif ah u kala tagaan.”

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko xubnaha Isbahaysiga Kulmiye ka tirsan ee laga saaray Xisbiga KULMIYE ayaa ku jawaabay “Raggan  waxa aanu ka wada tirsanayn Kulmiye, halgan ayaanu soo wada galnay, qoriga dhinaca ayaanu u wada ridaynay, Axsaab ayaanu ahayn, Xukuumadda ayaanu ka wada tirsanayn, markii ay Golaha Dhexe ka fadhiisteen iyo markii uu go’aankani soo baxay Berbera ayaan ku maqnaa, oo maan joogin, laakiin in la goolaftamo iyo in la isku cartamo oo la iska laad-laado, waxa ka qurux badan in si nadiif ah loo kala tago, go’aankaas ay soo saareen Golaha Dhexe iyo Guddida Fulinta, waxa aan u arkaa inuu khayr ku jiro, maxaa yeelay wax ka dhexeeya ma jirto in aad Xisbiga si toos ah uga tirsanaato iyo inaad si toos ah uga tagto”.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa mar uu ka hadlaayey Khubaro uu sheegay inay qoraal u gudbiyeen oo ku saabsanaa dilalka saraakiisha  ayaa yidhi “Qoraalkii ay ka soo diyaariyeen khubaradii soo sameeynaysay baadhitaanka, wey noo soo gudbiyeen, arimaha keenaya dilalka Ciidamada, arimo sahlan maaha, in si xeel dheer loo gudbo galo, oo baahitaano dheer ah oo xeel dheer in aanu sameeyno ayaanu doonaynaa, oo aanu dhinacyo badan ka eegno, si aanu daawada iyo xalka u helno, si aanay mar dambe inoogu soo noqon, sidaas darteed waxa aanu qoraalkaas oo aanu turjunay u gudbinay Khubaro Ingiriis ah, inkasta oo aanu isku dan iyo isku duruuf ahayn, haddana wixii talo ah ee ay naga siiyaan iyo wixii fikir ah ee ay inagu soo kordhiyaan ayaanu eegnaynaa, laakiin mar kasta Ciidamada kala duwan ee Somaliland sharaf ayey inaga mudan yihiin, amaana waan u soo jeedinayaa, maxaa yeelay waa kuwaas mar walba heeganka ku jira, oo dalkooda iyo dadkooda difaacaya, Shacabkana waxa aan leeyahay mar walba khaq dhawra Ciidanka”.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa mar uu aanu wax ka weydiinay sida uu arko Wasiir ku xigeenka dhalinyarada ah ee loo magacaabay Wasaaraddiisa ayaa ku jawaabay “Ninkan dhalinyarada ah ee Madaxweynuhu u magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada, marka hore isku deegaan ayaanu nahay, isku Ceerigaabana waanu nahay, si fiicana waanu ugu soo dhaweeyn doonaa Wasaaradda, si wacana waanu ula shaqeeyn doonaa”.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa dhinaca kale waxa uu ka hadlay Roobabka curtay, waxaanu yidhi “ILLAAHAY ayaa mahad oo dhan iska leh, roobabkaas curtayna naxariistiisa ayeynu ku helnay, naxariista ILLAAHAYNA wax la mid ah ama la barbar dhigi karaa ma jirto, inaynu ku shugri naqno, oo aynu ALLE ka cabsiga badino ayaa la inooga baahan yahay”.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews