berberatoday.com
WERIYEYAAL BBC-DA KA TIRSAN OO DAWLADDA JABUUTI KA SAARTAY DALKEEDA
April 6, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Waxaa Ay Dalka Jabuuti Uga Soo Warrami Lahaayeen Doorashada Qabsoomaysa Toddobaadkan

 11745727_1150913811592588_936843178944573993_n

Djibouti (Berberatoday.com/BBC) Hay’adda  Warbaahinta Ee BBC-da Ayaa Cabasho Ka Muujisay Amar Ay dawladda Jabuuti dalkeeda Kaga saartay weriyeyaal BBC-da Ka Tirsan Oo halkaasi u tegey in ay ka soo warramaan doorashada 8-da Bishan April la filayo in loo dareero  taasoo lagu soo dooran doono Madaxweyne Cusub. Doorashadan oo ay u tartamayaan 6 Musharrax oo Madaxweynaha haatan talada hayaa kamid yahay   ayaa warqad cabasho ah u qortay dowladda Djibouti oo ay uga codsanayso inay sheegto sababta ay u soo musaafurisay koox weriyayaal ah oo BBC-da ka tirsan. Kooxdani, oo uu ka mid ahaa weriyaha BBC-da ee arrimaha ammaanka ee Africa, Tomi Oladipo, ayaa Djibouti u tegay inay diyaariyaan warar la xiriira doorashooyinka halkaasi ka socda. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii afaraad u tartamaya jagada madaxweynaha Djibouti. Kooxdan ayaa waxaa fasaxay agaasimaha warbaahinta ee dalka Djibouti oo u oggolaaday inay ka soo warramaan dalkaasi, sida lagu xusay warsaxaafadeed ay soo saartay BBC-da. Kooxdan ayaa wareysi la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda Djibouti, Maxamuud Cali Yusuf, iyo musharraxa mucaaradka, Cumar Cilmi Kheyre, kaddibna waxaa xiray rag ka tirsan ciidanka ammaanka oo xirnaa lebiska rayidka. Kooxdan ayaa habeenkii oo dhan la haystay, iyagoo aan loo oggolaanin inay wax xiriir ah sameeyaan, kaddibna, diyaarad ayaa la soo saaray oo dalka ayaa laga soo musaafuriyay, iyadoo aan loo sheegin sababta.

Xigasho: BBC

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews