berberatoday.com
Dr Gabboose Oo Shaki-geliyay Caafimaad-qabka Faysal Cali-Waraabe, Kuna Taliyay Inuu Banneeyo Guddoomiyenimada UCID
April 7, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Siyaasiga weyn ee Dr Maxamed Cabdi Gabboose oo ku takhasusay Cilmiga daaweynta Neerfaha ayaa ka warramay sida uu u arko xaaladda caafimaad ee Engineer Faysal Cali-Waraabe oo ay markii kowaad kulmeen 1981kii. Siyaasi Gabboose oo Wargeysi siisay suxufi ka tiran Warbaahinta Xogmaal ayaa yidhi “1981kii ayaanu Faysal Cali-Waraabe ku kulannay xabsi Xamar ku yaalla, isaga oo ka mid ahaa maxaabiis aan hubinayay xaaladdooda caafimaad. Waxan arkay in aanu maskax ahaan fayoobayn, isla markaana aanu u baahnayn in loola dhaqmo sida dadka miyirka qaba. Maalintaas waxa aan madaxdii xabsiga faray in ay cadceedda u dhigaan si jidhkiisu u helo fallaadhaha qorraxda. Sidoo kale waxa aan ku taliyay in xorriyaddiisa loo soo celiyo. Muddo aan badnayn markii aan Xabsiga ku arkay kaddib ayaa la sii daayay”.

Dr Gabboose oo ka warramaya waxa ku kallifay in uu xilligan fashilo xanuunka uu ku arkay Faysal Cali-Waraabe ayaa yidhi “2002dii markii Ururkaygii SAHAN ku soo bixi waayay Doorashada Goleyaasha Degaanka ayaan doonay in aan UCID ku biiro, isla markaana aan Xisbiga madax ka noqdo haddii uu Madaxweyne noqdo. Taasi waxay la mid ahayd heshiiska ay Muuse Biixi iyo Axmed-Siilaanyo wada galeen. Wuxuu ii arkay in aan meesha ka saarayo, waxaanu yidhi ‘Sahan billaa Gabboose ah ii keena’.

Imakana wuxuu is-leeyahay ‘haddii Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen uu Madaxweyne noqdo waxaad waayi Guddoomiyaha Xisbiga’. Xanuunka haya waxa la yidhaahdaa ‘power sickness’. Wuxuu u bukaa madaxnimo. Dadka Somaliland waxaan u sheegi lahaa inaanay Faysal Cali-Waraabe ula dhaqmin sidii qof xiskiisu dhan yahay. Xilligan waxa kellifay in aan hadlo, waxan u adkaysan waayay cubba-dhawrka uu ku hayo Labada Xisbi ee UCID iyo WADDANI, isaga oo noqday adeege KULMIYE ushaqeeya”.

Ugu dambayntii Dr Gabboose ayaa soo-jeediyay talooyin ku aaddan sida Khilaafka Xisbiga UCID ku dhammaanayo waxaanu yidhi “Faysal maadaama oo uu 16 sano ahaa Guddoomiye Xisbi, waxa uu u fiican in uu jagadaas banneeyo. Xilalka uu qaban karo, kuna fiican yahay waxa ka mid ah Guddoomiyaha Guddida Ictiraaf-raadinta Somaliland. Waa kii odhan jiray ‘haddaan Madaxweyne noqdo aqoonsi baan keenayaaye’ kolba diyaarad ha u raaco dunida. Halkaana ha ku asturnaado. Xisbigu ma qaadi karo guul-darro iyo wacad-fur intaas le’eg”.

Isku soo wada duuboo waxaad mooddaa in Guddoomiyaha Xisbiga UCID uu noqday nin gebi ku dumay oo dhoobo-walaaqanaya. Lamana oga siduu u aqbali doono talooyinka ay Dr Maxamed Cabdi Gabboose iyo dad badani usoo jeediyeen.

Berberatoday.com

gaboose

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews