berberatoday.com
Suldaan Xiiray oo Digniin u Diray Cid kasta oo Ku Luglahayd Inqilaabkii Dhicisoobay ee Saldanada Subeer Awal iyo Arrimo kale oo uu Ka Hadlay.
April 7, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada hargeysa ayaa waxa uu ka hadlay abaaraha dalka ka jira dhalinyarada bilaa camalka ah iyo waliba sandalada Subeer awal .
Suldaan Yusuf Muxumed Xiiray oo ugu horayn ka hadlaaya abaaraha dalka ka jira waxa uu yidhi ” waxa Mahadi u sugantahay Alle oo inaga soo jabiyay abaarihii dalka ka jiray anigu ka ray ahaan waxaan u soo jeedin lahaa gudida abaaraha heer qaran ee Somalilnad in ay dadkii abaaruhu saameeyeen in ay dib u dajin ku sameeyaan oo xoolo u iibiyaan taas oo aan sidaas u leeyahay Robkii Gu’ga oo inoo curtay awgeed .
Suldaan YusufMuxumed Xiiray oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi ” waxa kale oo aan halkan kaga hadlayaa waxa jira duruufo badan oo haysta dhalinyarada Somaliland oo ay ugu horayso camal la’aanta dalka ka jirta xukuumada waxan leeyahay waa in ay qorshe ka yeelataa dhalinyarada reer Somaliland ee bilaa camalka ah waayo dhalinyarada Somaliland waa udub dhaxaadkii reer Somaliland waana halka uu qaran ka dhaqaaqo ama horu mar ka sameeyo. Suldaanka Oo Hadalkiisa si wataa waxa uu kaga hadlay oo uu soo jeeniyay in biyo xidheen loo sameeyo Biyaha roobka oo intaada badani dhaafaan Somaliland suldaanka oo arimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi ” waxa jira marka uu roobku da’o in biyo badani ina dhaafaan isla markaana ay ku shubmaan bada anigu ka suldaan ahaan xukuumada iyo wasaarada biyaha waxaan ku boorin lahaa in ay waxa ka qabtaan biyahaa bada ku dhacaaya oo biyo xidheen loo sameeyo si looga faa’iidaysto.
Ugu dambayn suldaan Xiiray waxa uu Difaacay Sandalada Subeer Awal oo meelmihii u dambeeyay muran ka dhex taagnaa waxaana uu yidhi ” sandaladan subeer awal waa beel fac weyntahay sundaladeedu waana beel qaranka Somaliland meel fiican kaga taal sida beelaha kale anigu ka ray ahaan aniga oo ah af hayeenka Salaadiinta Somaliland ma qabo in la badalo suldaan ama la yidhaa waa lagaa qaaday suldanaladii, waxaan leeyahay cid kasta oo faraha kula jirta arinkaasi cid ay doontoi ha ahaateen faraha kala bax sundalada anagu waxaanu nahay dhaqan dhaqankuna waxa uu leeyahay sharaf iyo milgo u gooniya.
Waxaan mar labaad ku adkaynayaa in aan la soo faro galin saldaladaasi suber awal suldaan xasana waa suldaan qiimo badan ugu fadhiya qaranka Somaliland suldaan waxaan ku leeyahay Suldaankii guud ee subeer awal ayaad tahay.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews