berberatoday.com
Warqad Furan oo ku Wajahan Gudomiya Maxkamada Sare iyo Distooriga.ka timi Xubin Golaha dhexe ee xisbiga Ucid.
April 7, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Amiirka1

Ku :Gudomiye Maxkamamada sare iyo Distoriga ee somaliland -Hargeysa Date- 4/6/2016.

Gudomiye;Mudo aad u dheer ayay Bulshadu ka cabanaysey Cadaala daro,waxa maanta jira dareen ah in aad wareejisay Tayirkii cadaalada.Bulshadana waxa la gudboon in ay dhinaceeda ka warejiso,wayo hadii aan Bulshadu kula shaqayn Gudomiye ahaan keliga,waxba kama qaban kartid cadaalada.

Waxan Bulshada kula talinaya.
Bulshadu qayb weyn ayay ka tahay cadaala-darada,iyo musuqa iyagana abuura keligii taliyaha.waxa looga bahanyahay Bulshada in ay bedesho,qaabka ay u fekerto iyo dhaqanka iyo dabeecadaha ay ku dhaqanto. Indhaheenu ma arkaan ninka sunta u karkarinaya ee ay isku haybata yihiin,dhegtuna waxay u nugushahay ceebta dul hogota ninka anay isku Beesha ahayn.waxay ka mid tahay dabecadaha,bulshadu ku noshahay.

Khilafka Ucid.
Gudomiye;khilafka Xisbiga Ucid,wuxu ahaa mid soo jiitamay mudo dheer.Xisbigu waa hanti qaran,lakiin wuxuu ku sifobay Hanti qaran oo Nin keliyi Jeebka ku sito.waxan kaa codsanaya,hadii kiisku ku soo gadho in aad cadaalad ku qaadid.hadii aanu ku soo gadhina aad Xafiisyada Xisbiga Albabada u labtid.wayo waxa ku jirta cadaalada iyo nabadgelyada,tagerayasha Xisbiga.

Maxaa khilafka UCID abuuray?
Waxa abuuray Gudoomiyaha Faysal Ali Waraabe,wayo wuxuu ka baxay heshiiskii ay ku heshiiyeen labdii garab ee kala ahaa Garabkii Udub iyo kii Ucid.

Maxaa u Xal ah oo u dawo ah in khilafku dhamado?Maxkamda Sare oo cadaalad qada,oo Runta sheegta ayaa Xalku ku jira.wacadkii iyo balamihii iyo heshiiskii oo hirgala,ayay ku jirta sharafta qaranku.wayo waxa aynu ku sifobi doona(nabadgelyo haysata Cadaalad)waxaynu ka so guuri(nabadgelyo aan haysan Cadalad)

Bulshadu uma Baahna Nabadgelyo aan haysan Cadaalad,lakiin waxay u bahan tahay Nabadgelyo haysata cadaalad.hadii aan nahay tagerayasha Xisbiga Ucid waanu dulmanahay,waxan gelinay waqti iyo tacab aad u weeyn welina ma joogno badhtamii, khilaaf Xisbiga ragadiyay awgii.

Gudomiyaha Maxkamda distoriga ah iyo Gudida cadaalad waxan ka codsanaya,in ay qiimeeyaan bulshada iyo tageraysha xisbiga.wayo waxan doranay Musharax,oo iyado aan qimaynaynu shakhsiyadiisa anu Ucid boodhka ka tunay xisbigiina soo saaray si uu uga mid noqdo Xisbiyada Qaranka.shan sanadood ayuu noo taagna Musharaxo,oo waqti iyo tacab naga galay isaga awadii.maanta in Gudomiya xisbigu ka horyimado oo khilaaf geliyo xisbigii iyo musharaxii Xisbiga,waxan leeyahay waa Cadaala daro weyn.

Muse Mohamed Hagi Duale.
Xubin Golaha Dhexe Xisbiga Ucid.
Birminham Uk duale@hotmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews