berberatoday.com
Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo Dacwad Ka Gudbisay Wargeyska Madaxa-bannaan Ee Waaheen
April 7, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, ayaa Arbacadii Maanta u gudbisay Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka Dacwad ka dhan ah Wargayska Waaheen oo ka mid ah Wargeysyada Madaxa-bannaan ee ka soo baxa magaalada Hargeysa, ka dib markii uu Maanta Baahiyey Warar been-abuur ah, sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Wasaaradda.

Agaasimaha guud ee Warfaafinta Maxamed Ilka-case

Agaasimaha guud ee Warfaafinta Maxamed Ilka-case

Qoraalka Dacwaddaas 00 uu ku Saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-Case), kaasoo Nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Mudane Xeer-ilaaliye Guud Waxaan halkan kuugu soo Gudbinayaa Dacwad ka dhan ah Wargayska Waaheen Caddadkiisii soo baxay Maanta oo arbaca ah Bishuna tahay 6.April 2016 Tirsigiisuna ahaa 1829 oo lagu  daabacay War been-abuur ah oo Ciwaan looga dhigay ‘Wasaaradda Warfaafinta oo Musuqmaasuq Hadheeyay Iyo Baabuur Wasaaraddu lahayd oo Hay’ad laga Kireeyay’. Sidoo kalena lagu sheegay in Khilaaf soo kala dhex galay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta kaas oo Sababay sida Wargaysku yidhi in Agaasimaha Guud Shaqada ka soo Xaadiri Waayo.

Muddane Xeer ilaaliye Warka Wargaysku qoray laguma sheegin meel uu warkaas ka soo xigtay Sidoo kalena wax Xidhiidh ah lama uu soo samayn Cida uu Khuseeyo Warkani ka hor intii aanay Faafin.

Mudane Xeer-ilaaliye Waxaan u arkaa in Warka Wargaysku qoray uu Xadgudub shakhsi ah u gaystay Anigoo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta isla markaana uu Guud ahaan Meel kaga dhacay Haybadii Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta. Sidaasi awgeed waxaan kaa Codsanayaa inaad noo furtaan Dacwad ka dhan ah Wargayska Waaheen.

Dhanka Kale, Wasaaradda Maaliyadda, ayaa isla maanta  u Gudbisay Xeer ilaalinta Qaranka Dacwad ka dhan ah Wargayska Waaheen oo Kadib markii uu maanta faafiyey War uu Ciwaan uga dhigay “Warbaahinta oo Heshay Nuqul Sir ah oo Muujinaya Kumanaan Kun oo dollar oo laga lunsaday Kastamka Magaalada Hargaysa.

Geesta kale qoraal aanu ka helnay Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa Dacwada labadan Wasaaradood ku soo oogeen Wargayska Waaheen u Gudbisay Laanta danbi baadhista ee CID.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews