berberatoday.com
Xukuumadda Somaliland Oo Eeddeysay Hay’adaha Caalamiga Ah
April 7, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Somaliland ayaa dhaliilshay doorka ay Hay’adaha Caalamiga ahi ku leeyihiin gurmadka Abaaraha.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Caafimaadka Xasan Daahir Dhinbiil, ayaa daboolka ka qaaday inaanay Hay’adaha gargaarka ee dalka ka shaqeeyaa door muuqda ku lahayn howlaha Gurmadka ee lagu samato bixinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Laba Hay’adood oo ka tirsan kuwa Qaramada midoobay ayuu sheegay inay taakulo gaadhsiiyeen Gobollada qaar, kuwaasoo kala ah WHO iyo UNICEF, waxaanu intaasi raaciyey in dhammaan Hay’adaha kale ee caalamiga ahi ka gaabiyeen howlihii samo-falka ee loo baahnaa xilligan abaaruhu dalka saameeyeen.

Wasiirka ayaa sheegay inay dhammaan Hay’adaha Waddanka jooga la kulmeen, gaadhsiiyeena baaqa ku saabsan baahiyaha Abaarta, balse aanay illaa iyo hadda wax jawaab ah soo celin.

Waxaan baaq u diraynaa Hay’adaha Caalamiga ah, gaar ahaan Hay’adaha Qaramada midoobay oo aan doorkii looga baahnaa qaadan, runtii waxa wax naga soo gaadheen laba Hay’adood oo qudha sida WHO iyo UNICEF. “ ayuu yidhi, Wasiir ku-xigeenka oo la hadlayey Shabakadda Wararka ee Gobanimonews.com

Waxaanu intaas raaciyey, “Cid kale oo wax la sheegi karaa naga soo gaadheen ma hayno, sidaas awgeed waxaanu baaq labaad u diraynaa Hay’adaha Qaramada midoobay iyo kuwa kale ee caalamiga ahba oo aanu leenahay ka qayb-qaata gurmadka.”

Warka 2-aad

Wasiirka ayaa sheegay inaanay garanayn sababta ay Hay’aduhu uga gaabiyeen caawimada Bulshada dhibaatada abaartu haysato, isagoo ku celiyey baaq uu u diray dhammaan Ururrada Caalamiga ah ee ka shaqeeya sama-falka oo uu jeediyey inay doorkooda ka qaataan howlaha gargaarka.

Abaaraha ka jira Gobolada Somaliland, ayaa saameeyey In ka badan hal milyan oo qoys oo u badan reer Guuraa iyo Beeralay, kuwaasoo boqolkiiba inta badan ay ka baxeen xoolihii, isla-markaana meelaha qaar dadku halis ugu jiraan inay u dhintaan nafaqo daro iyo xannuuno ka dilaaca bakhtiga Xoolaha.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews