berberatoday.com
Dawladda Masar Oo Wafti Shaki Geliya Itoobiya Usoo Dirtay Somaliland+Diblumaasiyadda Xumida Somaliland + Damaca Booqashadda Xeeryaha Ciidamada Ee Masaarida Iyo Colaadda Biyaha Niilka
April 8, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar shabakadda Xogreebnews ka helay ilo Diblumaasiyadeed ayaa booqashada waftiga Masaarida ee Somaliland ku fasiray inay yihiin qaar salka ku haya xeelado Siyaasadeed oo lagu kala didiinaayo ama lagu kala foggaynaayo dawlaha Somaliland iyo Itoobiya, oo sida muuqata waqti xaadirkan xidhiidhkoodu kasoo dhowaanayo halkii xilliyadda qaarkood uu taagnaa.

Waftiga Masaarida ee dalka ku sugan oo uu hoggaaminaayo Safiirka Dawladda Masar ee Soomaliya Amb Walid Maxamed Ismaaciil‏ oo tiradoodu dhan tahay 12-xubnood ayaa sida iluhu tibaaxen marka xubnaha waftiga laga reebo Amb Walid iyo xubin kale oo sida la sheegay ah Safiir ku-xigeenka Dawladda Masar u jooga dalka Jabuuti, waxa sida Wararku xuseen xubnaha intooda kale, la sheegay inay isku jiraan saraakiil iyo khubuuro ku takhaakhusay arrimaha Milateriga, xubnaha saraakiisha iyo khubuurada iskugu jira, ayaa sida xoggaha qaarkood tabaaxen waxa ujeedada socdaalkooda Safaaradaha Masar ee Muqdisho iyo Jabuuti uga gol-leeyihiin inay was-waas iyo khannaas ku geliso Dawladda Itoobiya, oo hadda aad moodo inay xooga qalbigeeda usoo jeedisay dhinaca Somaliland.

Warar kaloo isla amuurtan la xidhiidha oo Wargeysku helay ayaa iyana sheegaya in waftiga reer Masar ee hadda booqashada ku jooga Somaliland aanay u suuro-gelin booqasho ay damacsanaayeen inay ku tagaan Xeryaha Ciidamada Somaliland, kaddib markii sida xoggaha lagu sheegay ay ganafka ku dhufteen arrinta booqashada Saraakiisha Ciidamada Somaliland.

Inkastoo xubnaha waftiga Masaariddu mudadii ay dalka joogeen ay booqdeen meelo kala duwan oo ay kamid yihiin Dekedda iyo Madaarka Magaalada Berbera, balse haddana ilayo hadda ma jirto wax ku saabsan Mashaariic horumarineed iyo kaalmooyin dhaqaale oo ay sheegen in Dawladoodu ka caawin doonto Jamhuuriyadda Somaliland, iyaddoo sida la og-yahay Dawladda Masar tabo-baro siiso Ciidamada Dawladda Somaliya iyo sidoo kale, deeqo tiro badan oo dhinaca waxbaraashadda ah.

Dawladdaha Masar iyo Itoobiya oo uu ka dhexeeyo dagaal dhinaca Biyaha Webiga Niil-ka ah, ayaa ilayo hadda aan wax heshiis ah ka gaadhin muranka ka dhashay Biyo xidheenka weyn ee Dawladda Itoobiya hawshiisa gacanta ku hayso, kaddib markii dhawr jeer la isku dayey in la qaboojiyo xiisadda Biyo Xidheenka, hase-yeeshee isku dayadaas oo dhami waxa ay noqdeen kuwa aan hano-qaadin, sababo la xidhiidha rabitaanka labada Dawladood, oo qolo waliba geesteeda ay qumanaheeda qoorta ku sidato.

Walow xidhiidhka Somaliland iyo Masar aanu ahayn mid laga saaso, gaar ahaan marka dib loo eeggo sooyaalka Siyaasadeed ka dhexeeya labada dal, marna ma dhicin xidhiidh toos ah oo tayo leh oo dhex Masar iyo Somaliland, marka laga reebo booqashooyina isha fallatada ah ee iyana xukuumadda Qaahiro ku dooneyso inay ballagga ugu lusho Dawladda Adis-baba. Hase-ahaatee, hadii si kale loo dhiggo arrinta booqashadda waftiga ee xilligan, waxa ay muujineysaa karti darida iyo Diblumaasiyadda xumaanta Xukuumadda Somaliland, oo ay ahayd inay fahanto ujeedada booqashadda waftiga, markii ugu horreysay ee ay xidhiidhka la soo sameeyen. Sida darteed waxay ahayd in Xukuumadda Somaliland dibu dhigto markii waftigu kusoo wargeliyey socdaalkooda Somaliland, waa haddii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu yaraan aanay ka marmeyn imaatinka Somaliland ee waftiga reer Masar.

 

 

Xigasho Xogreebnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews