Xukuumada Somaliland Oo Loogu baaqay Inay Ilaaliso Dastuurka Dalka Uyaala
April 8, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ha’yadda xaquuqal Insaanka Somaliland, ayaa walaac xoogan ka muujiyey Xadhiga Wargeysada, ficilada iyo afduubka xukuumadda Somaliland ku hayso Wariyeyaasha ka hawl-gala gudaha dalka Somaliland, isla markaana waxay ugu baaqday dawladda Madaxweyne Siilaanyo inay dhawrto dastuurka iyo xeerarka caalamiga ah ee bini’aadam-nimada.
Guddoomiye ku-xigeenka Xarunta Xuquuqal Iisaanka Somaliland Guuleed Axmed Jaamac oo maanta ka hadlay munaasibad lagu xusayey sannad guuraddii labaad ee xukuumaddu albaabada isugu dhufatay Wargeyska Haatuf oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, wuxuu sheegay in wakhtixaadirkan ay saddex Wargeys Xukuumadda Axmed Siilaanyo u xidhan yihiin. “Bilihii ugu dambeeyay ee sannadkan 2016-ka, laga bilaamo Diseebar 11 Suxufi ayaa lagu xidhay Somaliland. Saddex suxufi oo uu ka mid yahay Cabdi fataax Ismaaciil Caarshe waa la garaacay oo jidhkooda ayaa dhibaato loo gaystay. Waliba dhibaatadda ku dhacday Cabdifataax Ismaaciil Caarshe waa mid ku cusub Somaliland oo aanu hore u arrag. Haddaanu nahay xaquuqal insaanka waxaanu ugu baaqaynaa xukuumadda Somaliland inay sii dayso Wargayska Haatuf, Xogo-ogaal iyo Codka shacabka. Waa in xukuumaddu joojisaa xadhiga saxaafadda in la iska xidh-xidho. Qofkii saxaafadda wax ka tirsada waxa u furan innuu dacwad geeyo maxkamadda, laakiin maaha in saxaafadda la iska xidh-xidho.”ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka xaquuqal iisaanka Somaliland Guuleed.