berberatoday.com
Boqorka Sacuudi Carabiya Oo Booqashadiisii U Horeysay Ku Tagay Dalka Masar + (Sawirro)
April 9, 2016 - Written by Berbera Today

Cairo(Berberatoday.com)-Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis ayaa booqashadiisii u horeysay ku tagay dalka Masar, tan iyo markii uu la wareegay sanadkii hore dhaxalka boqortooyada, iyadoo ay u bilaabatay shan maalmood oo uu booqasho rasmi ah ku joogayo magaalada Qaahira.

king salman (5)

king salman (1)

Soo dhoweyn heerkeedu sareyso ayaa loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Qaahira, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi, waxaana booqashadan loo arkayaa mid Boqor Salmaan uu taageero ugu muujinayo al-Sisi.

king salman (2)

Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ayaa taageertay Mr Sisi, kadib markii uu xukunka ka tuuray sanadkii 2013 Madaxweynihii sida dimoqraadiga loo soo doortay Maxamed Morsi oo ka tirsanaa Ururka Ikhwaanul Muslimiinka, kaasoo shaki badan ay ka qabtay Xukuumadda Riyadh.

king salman (6)

Boqor Salman iyo Madaxweynaha Masar ayaa maalinta berri oo jimco ah lagu wadaa inay kulan rasmi ah ku yeeshaan qasriga Madaxtooyada, halkaasoo ay ku saxiixi doonaan 14 heshiis oo ku kacaya $1.5 bilyan oo dollar oo Sacuudiga ay maalgashi ku sameyneyso Masar.

king salman (3)

Mashaariicda maalgashi ee Sacuudiga ku sameynayo Masar ayaa waxaa ka mid ah Gacanka Sinai.
Boqor Salman ayaa sidoo kale lagu wadaa in maalinta Axada uu khudbad u jeediyo Baarlamaanka Masar.

king salman (4)

Ka sokow taageerada uu Sacuudiga siiyo Masaarida waxaa soo labeeya dalka isu taga Imaaraadka Carabta oo xulufo la ah Sacuudiga

king salman (8)

Masar ayaa horay ugu biirtay isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee dagaalka kula jirta Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee taageerada ka hesha dowladda Iiraan, Xukuumadda Masar ayaa sheegtay inay diyaar u tahay hadii loo baahdo ciidan dhulka ah inay u direyso Yemen, balse go’aankaas goor dambe ayay ka laabatay.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews