Maxkamada Ciidamada Dawlada Xamar Oo Dil Toogasho Ah Maanta Ku Fulisay Gacan Kudhiiglayaashii Dilay Gabadh wariye Aheyd Oo Lagu Magacaabi Jiray Hindiya Xaaji Maxamed+Sawiro
April 9, 2016 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.net/com)-Wararka naga soo gaaray hadda Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaw la toogtay labo nin oo lagu eedaynayo in ay dileen Gabar Wariye ahayd oo u shaqeynaysay Warbaahinta dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Nimanka la dilay waxaa xukuntay Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee dawladda Soomaaliya, waxaana lagu eedeyey in ay dileen Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ahayd gabar Saxafiyad ah.
Labada nin ee saaka lagu fuliyey xukunka Maxkamadda ayaa magacyadooda lagu sheegay Cabdirisaaq Maxamed Baroow & Xassan Nuur Cali, oo horey uga soo muuqday Shaashada Tv-ga dawladda Soomaaliya.