berberatoday.com
Cali-Gurey Oo Qoraalo Dabaylo Sitaan Ku Tilmaamay Qoraalada Ka Soo Baxaya Faysal Cali Waraabe
April 10, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiye-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) ayaa war-murtiyeed uu xalay soo saaray wuxuu kaga jawaabay qoraalo muddooyinkan dambe ka soo baxayay xisbiga UCID, oo sheegayay in uu guddoomiyaha UCID Md. Faysal Cali Waraabe ka qaaday xilkii guddoomiye-xigeenka saddexaad.

ccccccc

Qoraalka uu Cali-Gurey xalay soo saaray wuxuu qoraalada hoggaamiyaha UCID ku tilmaamay farriimo ay dabaylo sidaan oo aan sharci ahayn, waxaanu yidhi “Waxan marka hore ka salaamayaa dhamaan bahwaynta xisbiga UCID gudo iyo dibadba. Mar labaadka inta aan ogayn xaqiiqada khilaafka UCID waxan u sheegayaa in xisbiga UCID lagu soo duulay oo la doonayo in la burburiyo oo loo sadqeeyo xisbi kale. Qodobka tiirka u ah qorshaha burburinta UCID waa in la tirtiro heshiiskii badbaadinta UCID oo ah arinka salka u ah soo bixitaankii xisbiga xiligii tartanka doorashada Dawladaha Hoose iyo dhamaan go’aanadii ka soo baxay Kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe ee xisbiga ee magaalada Hargeysa ku qabsoomay bishii Ocktobar 2012kii iyadoo oon haba yaraato eh wax texgelin ah la siinayn Xeerka Xisbiga. Dhamaan talaabooyimka uu qaaday Gudoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Xuseen intii khilaafkani soo if baxay ayaa dhamaantood ka horimanayaan Xeerka Xisbiga, Go’aamadii Golaha Dhexe iyo shuruucda dalka sida Xeer Lam14 iyo Xeer Lam 21.

Sidaa daraadeed waxan halkan ku cadaynayaa:

– In dhamaan qoraalada dabayluhu sitaan ee ka horimanaya Xeerka Xisbigu ay yihiin waxba kama jiraan

– In aanu jirin xil uu ii magacaabay igana qaadi karo Gudoomiyuhu oo aan u hayay ama u hayo Xisbiga UCID
– In xilkii uu ii igmaday ama ii doortay Golaha Dhexe ee Gudoomiye Xigeenka 3aad aan weli u hayo cid kale oo sharci ahaan loo magacaabi karo ama sheegan kartaan ay ka horimanayso Xeerka xisbiga talaabo sharciga waafaqsanna laga qaadi doono goorteeda
– In aanay jirin haba yaraato eh xubin UCID ah oo wayday xibinimadeedii dhamaan qoraalada ay faafinayaan shakhsiyaadka ku andacoonaya inay yihiin Guddi Anshax marineed balse iyagu noqon doona kuwa la anshax marindoonaa ay yihiin waxba kama jiraan yihiin
– In dhamaan Bahwaynta UCID oo ay hormood ka yihiin Kaadariinta xisbigu ay u taagan yihiin heegan buuxana ugu jiraan inay fashiliyaan qorshaha iyo dabinada loo soo qoolay xisbigood ee la doonayo in loo sadqeeyo xisbi kale waana difaac ee weerar maaha xaqna way u leeyihiin inay is difaacaan waanay is difaaci karaan qiimo kasta ha ku tagto eh si ay Xisbigooda u badbaadiyaan
Sidaa daraadeed, waxan leeyahay bahwaynta leeyahay dadwaynaha iyo bahwaynta UCID ha ku wareerina qoraalada beenta ah ee loogu talogalay qiiq isku qarinta ee shakhsiyaadka faro ku tiriska ah ee loo adeegsanayo burbirinta UCID xil kasta uu hayo iyo meel kasta uu joogo. Kuaas oo fariinta aan halkan uga dirayaa tahay:
NAFTA GOLALAHEEDIYO HADII GALOWDA LAYS TAABTO
GEESTAYDA WAA FULE NINKII GAAR U FAASHADAYE
GURI BA’AYNA WAA CADOW NINKII RAARTA SII GURAYE
GOBANIMONA WAA QUUS NINKII GAWSKA DHAAFSADAY”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews