Ciidamada Dalka Bilgimka Oo Soo Qabtay Qofkii Ugu Dambeeyay Ee Lagu Huhunsanaa Weerarkii Ka Dhacay Paris+Sawiro
April 10, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.net/com)-Qofkii ugu dambeeyay ee lagu tuhunsanaa inuu ka qeybqaatay weerarkii lagu qaaday magaalada Paris sanadkii hore Mohamed Abrini ayaa lagu qabtay dalka Belgian sida ay sheegtay warbaahinta wadanka Belgian.
Sidoo kale Abrini ayaa loo malaynayaa inuu ahaa qof xirnaa koofi oo ka mid ahaa dadkii weeraray garoonka diyaaradaha magaalada Brussels kaasoo laga arkay shaashada CCTV.
Dambi baarayaasha dalka Belgian ayaan illaa iyo hadda si toos ah ugaga hadlin qabashada Abrini hase ahaatee waxa ay sheegeen in howlgalo la soo qabtay dad lagu tuhunsan yahay weerarkii Brusselss in la soo xirey.