“Dawlada Somaliland Ayaa Ka Gaabisay Durmaanka Uu Ismaaciil Cumar Geele Tumayo”Xildhibaan Cali Aareye
April 10, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cali Aareeye oo ka mida mudanayaasha Golaha wakiilada Somaliland kana soo jeeda Gobolka Salel ayaa sheegay in dawlada somaliland ay ka gaabisay Xidhiidh wanaagsa oo ay la yeelato dhigeeda Djabuuti.
Xildhibaanku waxaa uu sheegay in madaxwaynaha Djabuuti uu kasoo jeedo gobolka Saylac, hooyadiina u dhalatay Gobolka Awdal, gabadhiisuna kasoo jeedo magaalada Hargeysa oo aanay jirin sabab uu ku diido madax banaanida Somaliland balse ay xukuumadaha Somaliland ka gaabiyeen saaxiibtinimo ay ka sameystaan Djabuuti.
“Somaliland ayaan u dhashey, waxaan odhan lahaa madaxwaynaha Djabuuti Ismaaciiloow Innagaa Jaaree Somaliland aqoonso intaad u gudbayso Koonfurta Somaliland ayaa ka dhaw ee gacan nagu sii si aanu Ictiraaf u helno”ayuu yidhi Xildhibaan Aareeye