berberatoday.com
Dhukumentiyo Caddeynaya Sababo Shaqada Lagaga Joojiyey Mukhalas Ka Shaqayn Jiray Kastamka Madaarka Hargeysa
April 10, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Nuqullo kamid ah waraaqo isugu jira digniin iyo shaqo ka joojin uu maamulka kastamka madaarka Hargeysi ku sameeyey Muwaadin Mustafe Cabdillaahi Yaasiin oo ahaa Mukhallas ka shaqeeya kastamka madaarka kaasi oo masuuliyiinta turbataariyada madaarka iyo kastamka madaarku ku eedeeyeen in uu warbaahinta maxalliga ah ku fidiyey dacaayo meel ka dhac ku ah waajibaadka ay qaranka u hayaan iyo sharafta shirkadda Telesom kuwaas oo aanay waxba ka jirin. Sida ku cad warqadan laga qoray mukhalaskan oo warbaahintu heshay ayaa muujinaya cadayn uu sida kamuuqata warqadda uu  ugu hogaansamayo digniin kama dambays ah oo   Maamulka kastamka madaarka Cigaal Ee Hargeysa siiyey taas oo lagaga hor saxeexay taliyaha qaybta ilaalinta cashuuraha ee madaarka. Warqadda digniinta ah ee maamulka kastamku u  qoray mukhallaskan oo ogaysiinta la siiyey  Taliyaha ilaalinta cashuuraha kastamka, taliyaha booliska ee madaarka, agaasimaha waaxda kastammada, agaasimaha guud ee wasaaradda maalliyadda iyo wasiirka wasaaradda maalliyada waxaa ay u dhignayd sidan:

“Ujeedo: digniin kama dambays ah

–   Kadib markaad caadaysatay ku ciyaarida dakhliga iyo hakad gelinta shaqada kastamka.

–  Kadib markaad caadaysatay inaad qabyaaladayso arrimaha ku saabsan shaqada iyo cashuurta alaabta.

– Kadib markaad wax isbedel ah ka keeni wayday xagga shaqada adigoo caadaystay iska hor keenida maamulka kastamka iyo ganacsatada.

–  Kadib markaad caadaysatay in aad been u sheegto ganacsatada adigoo ka dhaadhicinaya in alaabta la kala saaro ama la kala danaysanayo, oo aad dhawr jeer ka kacday, taasood u qaadatay siyaasad iyo xirfad aad dadka kale dheertahay, laakiin ay tahay ta sababtay in alaabtii dhawr maalmood ay kastamka taallo, adigoo dadkii alaabta lahaa u fahansiiyey in kastamku alaabta dadka badhna la cashuuro badhna la haysto taasina ay tahay wax ka baxsan anshaxa kastammada Somaliland.

Haddaba waxaa lagaaga digayaa adigoo mukhallas ah oo aan alaabta lahayn  oo horena aad digniin kastameed laguugu digay oo ah in haddii aad wax ka bedeli waydo dhaqankaas lagaa mamnuuci doono soo gelista kastamka”. Sidaa ayaa lagu yidhi warqadda digniinta ah ee la siiyey mukhallaskan, waxaa digniintan ku saxeexan maamulaha kastamka madaarka Hargeysa Cabdixakiin Cabdillaahi Maxamuud. Digniintaas ka dib qiraal laga qoray Mukhalaskan oo iyana ka mid ah waraaqaha uu kastamka madaarku soo gaadhsiiyey warbaahinta oo ku taarikhaysan “15/3/2016.

Ujeedo: Caddayn

Anigoo ah Muwaadinka magaciisu yahay Mustafe Cabdillaahi Yaasiin, Waxaan cadaynayaa in aan qaatay digniintii uu soo qoray maamulaha kastamka madaarka Hargeysa ee ku taariikhaysan 13/3/2016-ka. Waxaanan ugu dhaqamayaa sida ay tahay.

Caddeeye: Mustafe C/laahi Yaasiin

Caddayntan waxaa lagu hor bixiyey taliyaha qaybta ilaalinta cashuuraha hortiisa 16/3/2016”. Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka qiraalka ah ee laga saxeexay muwaadinkan

Digniintaas iyo qiraalkkaas ka dambeeyay ka dib waxaa maamulka kastamku warqad shaqo ka joojin ah u qoray mukhallas Mustafe Cabdilaahi Yaasiin kadib markii sida warqada shaqo ka joojinta ku xusan lagu eedeeyey in aanu haba yaraatee waxba ka bedelin dhaqankii hore looga digay ee uu saxeexay in uu u hogaansamayo. Warqadda shaqo ka joojinta oo uu ku saxeexan yahay maamulaha kastamka madaarku waxaa uu ku faray masuulkan in laga bilaabo markii qoraalkan la soo saaray laga joojiyey shaqadii mukhallasnimo ee uu kaga shaqayn jiray madaarka Hargeysa, “kadib markaad caadaystay inaan ku ciyaartid dakhliga adigoo lacag dheeri ah kaga raadiso ganacsatada. Sidoo kalena aad hore ugu cashuuri wayday ganacsatada alaabteeda doonaya, taasina ay iska horkeenayso maamulka kastamka iyo ganacsatada” ayaa lagu yidhi qoraalka shaqo ka joojinta lagu xusay in mukhallaskan shaqada lagaga joojiyey.

HALKAN KA EEG DHOKUMENTIYADA KOR KU XUSAN

qoraalkii shaqada lagaga joojay 1qoraalii laga qoray mukhalska ee ah inuu qaatay digniintii 1digniintii loo qoray mukhalska

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews