berberatoday.com
Doorashooyinkii Sanadiihii Tagayna Murugo Iyo Ciil Bay Nagu Dhaafeen, Doorashooyinkan Soo Socdana, Waxaan Ku Soo Dhaweyno Garan Mayno ,
April 10, 2016 - Written by Berbera Today

Doorashooyinkii Sanadiihii Tagayna Murugo Iyo Ciil Bay Nagu Dhaafeen, Doorashooyinkan Soo Socdana, Waxaan Ku Soo Dhaweyno Garan Mayno ,
Ku: Guddida Arrimaha Gudaha & Amniga Golaha Barlamaanka JSL – Hargeysa –
Ku: Ururada Rayidka ee Haweenka – Hargeysa-
Ku: Dallada jilaasha aan Dawliga Ahayn ee SONSAF – Hargeysa
Og: Shirgudoonka Golaha Barlamaanka JSL – Hargaysa-
Og: Shirgudoonka Aqalka Guurtida JSL – Hargeysa
Og: Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland -Hargaysa-
Ujeedo: Soo Gudbin.Talo Jeedin

Mudaneyaal:-

Anigoo ah Sharciyaqaan magaciisu uu hoos ku qoran yahay, kana mid ah Aqoonyahanka dhaqanku Naafeeyay ee u hanqal taagayay musharaxnimada golaha wakiilada Somaliland, gaar ahaan Gobolka Maroodi-jeex, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa qoraal aan kaga hadlayo Saami-qaybsiga kuraasta gobolada ,gaar ahaan Dadyowgan layisku darayo ee dadka laga tirade badan yahay iyo haweenkaba , Taas waliba ay wadaan gudid hosaadka arrimaha gudaha iyo amnigu ee golaha barlamaanka JSL isla markaasina hadday sidani ku sii socdaan ku keeni doona in xog –ururintoodu noqoto mid habayaraatee waxba kama jiraan haddii ayna tixgalin taloo jeedinka waxku oolka ah ee aqoonyahana dadyowga laga tirade badan yahay iyo haweenkaba

Anigoo ka duulayay in dhamaan aadamaha ilaahay siiyay xuquuqo siman iyo in Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland uu damaanad qaaday in mawaadiniinta reer Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, ay sharciga hortiisa leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman, Xil-dhibaanada golayaasha sharci dejintal,

Hordhac
Sanadku markuu ahaa 2011, waxa uu madaxweynaha Somaliland soo saara wareegto ku magacaabay guddi qaran oo ka soo talo bixisa sida ugu haboon ee dadka laga tirade badan yahay iyo haweenku looga qayb gelin lahaa talada dalka iyo golayaasha lagu gaadho go’aamada qaranka , gudidaasi waxay isku jireen labada aqal ee sharci dejinta iyo xubno wasiiro ah uu awood u siiyay inay wada tashi qaran la sameeyaan dhammaan qaybaha bulshada Somaliland , kana sameeyaan rayi ururin iyo talo bixin ,si go’aan talo bixin ah uu madaxweynuhu u gudbiyo laba aqal sharci dejinta qaranka .
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Rag Iyo Dumar Wuxuu Siinayaa Xuquuq Siman Oo Dhinaca Xuquuqda Siyaasaddeed, Sida Dhigayo Qodobkiisa 22(1) Ayaa Odhanaya “Muwaadin Kastaa Wuxuu Xaq U Leeyahay Inuu Ka Qaybqaato Arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Bushada Iyo Dhaqanka Si Waaafaqsan Dastuurka Dalka”.Waxa Uu Dastuurkani Caddaynayaa In Beelaha beelaha dhaqanku naafeeyay Iyo Haweenkuba Xaq U Leeyihiin Ka Qayb Galka Siyaasadeed Dalka, Anigu Waxaan Soo Jeedin Lahaa Xisbi Kastaa Wuxuu Barnaamijkiisa Siyaasaddeed Ku Darsan Karaa Saamiga Ay Haweenku Ku Yeelanayaan Xukumadiisa. Waxaa Kale Oo Xisbi Kasta Ba Lagu Caddaadin Karaa Inuu Cadeeyo Saamiga Ay Dumarku Ku Yeelanayaan Murashaxiintiisa Goleyaasha Baarlamanka Iyo Deegaannada.

Talo soo jeedin.

Mudanayaal waxa kale oo aan halkan idiinku soo gudbinayaa dhawr arimood oo aan is idhi xal lagaga gudbo dhibaaatooyinkaasi ayay noqonayaan hadii la sameeyo waana sidan.
In waxka bedel iyo kaabis lagu sameeyo Xeerka Doorashooyinka (Xeer No. 20/2001)
Ugu horayn in Ansixiyo xeerka saamiga kootada ka qayb-galaan siyaasada dalka iyo golayaasha qaranka talada dalka oo waliba xlidhibaanada laba aqal ka gutaan waajibaadkooda ka saraan .
In la sameeyo nidaam cad saamiga qaybsiga kuraasta dalka oo dhan si aan beelaha dulman iyaguna isku dulmin .
In mudnaanta kowaad la siiyo haweenka saamiga qaybsiga kuraasta Ay Dumarku Ku Yeelanayaan Goleyaasha Baarlamanka, Deegaannada iyo Guurtida
In la tixgaliyo talo bixintii uu madaxweynuhu u gudbiyo laba aqal sharci dejinta qaranka.
In Xisbiyada Qaranku ee Ucid, Wadani iyo Kulmiye Dhiirgaliyaan Dadyowgan Dhaqanku Naafeeyay iyo haweenka
In loo kordhiyo Goobaha codbixninta ee doorashadu ka dhacayso ee ay degan yihiin Dadyowgan Dhaqanku
In Axsaabtu Qaranku waa inay tixgeliyaan xaqa muwaadiniinta ee doorashada iyo ka qaybgalka siyaasadda, iyadoo aan lagu kala soocayn jinsiga, luqada, iwm. Sida uu jidaynayo qodobka 22aad ee Dastuurku. Sidoo kale, waa inay dhiirigaliyaan ka qaybgalka haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay talada dalka sida uu tilmaamayo qodobka 36(2)aad ee Dastuurku.
Waa in Xisbi Kastaa Barnaamijkiisa Siyaasaddeed Ku Darsadaa Saamiga Beelaha dhaqanku Naafeeyen iyo haweenkuba Ay Haweenku Ku Yeelanayaan Xisbigiisa

. Gunaanad.
Guntii iyo gunaanadkii, waxaan si xushmad iyo sharafle idiinka codsanayaa in Xildhibaanda golaha barlamaanka iyo guurtida inay xooga saartaan wax ka qabashada Qoraalkayga kooban , waxay talooyinkaasi hadiii aan la fulin caqabad ku noqonaysaa nidaamka geeedi socodka dimuqraadiyada, doorashooyinka iyo qaranimadeena,

Sidaasi darteed, waxaan idiinka codsanayaa in warbixintan aad si mugleh hoos ugu eegtaan,islamarkaasina aad xoog saartaan wax ka qabashada arimaha ay qoraalkaygan xanbaarsan tahay, Anigoo rajo weyn ka qabin inaydaan tixgalin doon, oo uu aydun afkiina dhaafsanayn, arrimahan aydun ka hadlaysaan waxba ka qabanayn irbd daloolkeedna kolay ku tahay , doorashooyinkii sanadiihii tagayna murugo iyo ciil bay nagu dhaafeen , doorashooyinkan soo socodana waxaan ku soo dhaweeyno garan mayno ,

Haddii aydun tan suurto galisaan, waxaan ku han-weyn ahay inaan isku soo taago Musharaxnimada madaxweynimada dalka ,

Allaa Mahad Leh
Qalinkii Garyaqaan Muxiyadiin Maxamed Cabdi

Hargeysa/Somaliland
Dr. Mustafa Ismaaciil Taariikhda Ayaa Ku Xusi Doonta Halyeeyad Beesha Muuse Dhariyo Inaad Ahayd, Dadka Iyo Dalkuna Way Ku Xusuusan Doonaan Oo Ku Tabi Doonaan

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews