berberatoday.com
JABUUTI: Doorasho Natiijadeeda Wasaaradda Arrimaha Guduhu Shaacisay Oo Markii Afraad Lagu Doortay Kaligii Taliye Ismaaciil Cumar Geelle
April 10, 2016 - Written by Berbera Today

“Shacabka Jabuuti, waxay mar kale igu aamineen xafiiska ugu sarreeya Jabuuti..” Madaxweyne Geelle

Jabuuti(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo Markii Afraad loo doortay Xilka Madaxweynaha ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Shacabka Reer Jabuuti ay mar kale isaga u doortaan Xilka Madaxweyne-nimo ee Dalkaasi, inkasta oo Musharraxiintii Axsaabta Mucaaradka qaarkoodna ay Natiijada doorashada ka soo baxday cabasho ka muujiyeen.

Warka Dorashada GeelleMadaxweyne Geelle, oo Xukumayay dalka Jabuuti tan iyo Sannadkii 1999-kii, ayaa Hadal uu Shalay Shacabka uga jeediyay Telefiishanka Dawladda Jabuuti ee RTD ku sheegay inuu kalsooni weyn ku qabay in Shacabku ay dib u soo dooranayaan.

“Shacabka Jabuuti, waxay mar kale igu aamineen xafiiska ugu sarreeya Jabuuti,” ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo 68-jir ah. Isagoo intaa ku daray. “Waxaan si dhab ah u ogsoonahay inaad ii doorateen inaan hawlihii horumarinta ahaa ee dalka ka socday aan ka sii wado halkoodii, waana ka sii wadi doonaa.”

Natiijada Cod-bixinta Doorashada  Madaxtooyada Jabuuti oo ay Habeen hore Shaacisay Wasaaradda Arrimaha gudaha Jabuuti, ayaa Madaxweyne Geelle waxa uu ku guuleystay 86.68% Codadkii laga dhiibtay Doorashadaasi oo dhacday Jimcihii.

Laakiin, Tiro ka mid ah Murashaxiintii la tartamay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in Muraaqibiintii goob-joogga uga noqon lahaa Goobaha Codadka doorashada laga dhiibanayey laga eryay intii ay socotay doorashadii Madaxweynenimo ee Jimcihii doraad dhacday.

Murashax Cumar Cilmi Khayre oo ka socday isbahaysiga Mucaaradka ah ee Jabuuti USN, ayaa sheegay inuu la amakaagay Natiijada doorashada, isagoo xusay in Mucaaradka culeys weyn la saaray intii ay doorashadu socotay.

Laakiin, Cabdiraxmaan Jaamac oo ahaa Musharrax Madax-bannaan oo doorashadaasi ka qayb-galay, ayaa Dawladda ka codsaday in la habeeyo habka doorashooyinku uga dhacaan Dalka Jabuuti, “Waxaan weydiisanaynaa xukuumadda inay hagaajiso, ayna dib u habeyso doorashooyinka ka dhacaya Jabuuti,” ayuu yidhi C/raxmaan Jaamac, isagoo aan sheegin wax diidmo ah uu ka qabo Natiijada doorashadaasi uu marka Afraad  ku guuleystay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Doorashadan oo ay Codadkooda ka dhiibteen 187,000 oo Qof, ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jabuuti shaacisay in Lixda Musharrax ee ka qayb-galay u kala heleen sidan:-

1- Cumar Cilmi Khayre 7.32%

2- Maxamed Dauud Shixin 2.28%

3- Maxamed Muuse Cali 1.53%

4- Xasan Idiris Axmed 1.39%

5- Jamac C.raxman Jamac 0.79%

6- Ismaciil Cumar Geele 86.68%

Madaxweyne Geelle oo markii Afraad loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa lagu ammaanaa horumarka uu muddooyinkii ugu dambeeyay gaadhsiiyay Dalka Jabuuti, iyadoo dalkaas uu saaxiibbo aad u dhaw uu la yahay Mareykanka, Shiinaha, Japan iyo Waddamada ee Khaliijka Carabta.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews