berberatoday.com
Koonfur Afrika Nin Loo Tuhmay Inuu Soomaali yahay Oo Dilay Xaaskiisii & Carruurtiisii
April 10, 2016 - Written by Berbera Today

Johannesburg(Berberatoday.com)-Nin lagu sheegay inuu Soomaali yahay, ayaa lagu tuhmayaa in Xaaskiisii iyo Saddex Carruur ah oo ay u dhashay uu ku dilay Deegaanka Tsakane ee ku yaalla dulleedka magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Warka DilkaFalkaan, ayaa la ogaaday kaddib markii Qoysaskii deriska la ahaa Qoyskan ay maalmo waayeen inay arkaan xubnaha Qoyska, sidoo kale baadhitaano ku sameeyay oo ay ka heleen meydadka hooyada oo 32-jir ahayd iyo saddexda Carruurta ah ee ay dhashay oo ay da’dooda la sheegay inay ka yarayd 12-jirro, sida uu qoray wareyska Daily Sun oo kasoo baxa Johannesburg.

Wargeyskan, ayaa qoray in falkaan lagu tuhmayo inuu geystay Aabbe Somali ah, kaasi oo la sheegayo inuu baxsaday markii la ogaaday falkan naxdinta leh oo dhacay Habeennimadii Isniintii lasoo dhaafay ee toddobaadkii hore.

Sidoo kale, Warbixinta Wargeyska ayaa lagu xusay in booliiska Koonfur Afrika weli ayna war kasoo saarin dhacdadan, inkastoo ay sheegeen in ay baadhitaano arrintan ku saabsan ay wadaan, si ay u ogaadaan sida ay dilalkan u dhaceen iyo sababtii ka dambeysay.

Ugu dambeyn, Maamuleyaasha Jaaliyadaha Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika, ayaa falkan ka muujiyey argagax, Waxayna sheegeen in Ninka la tuhmayo inuu Xaaskiisa iyo Carruurtiisa laayay uu ka soo jeedo Qowmiyadda Oromada ee Dalka Itoobiya, Laakiin uu Koonfur Afrika ku joogay inay dhalashadiisu tahay Soomaali Qaxooti ah.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews