berberatoday.com
KULMIYE Iyo Caafimad La’aanta Somaliland By Mukhtar Cilmi‏
April 10, 2016 - Written by Berbera Today

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaato.

Caafimaadka iyo nadaafaddu waa laba shay oo isku xidhan, haddii umadd nadaafadeedu hagaagto caafimaadkeeduna waa hubaal inuu fiicnaanayo, mar kasta oo laga hadlayo qashin iyo nadaafadd xumana waxa aynu inta badan aragnaa iyadoo mar walba aanu aragno caafimaad daradda haysata dalka intii ay xukuumaddani KILMIYE dalk la wareegtay, iyadoo dhulka la dhacday tayadda dhakhtaradda dalka oo waliga loo raaciyayay in fiisaha caafimadd ee itoobiya la xidho.caafimaadku waa mid kamid ah waxyaabaha aasaaska u ah nolosha bini-aadamka, kaas oo ay muhiim tahay in si guud iyo si gaar ahba looga wada shaqeeyo adeegyada khuseeya caafimaadka, waa waxa suurtogeliya in shaqo la qabto, la horumaro isla markaana sababa in difaac shakhsi iyo ku qaranba la galo. Intii xukuumadan KULMIYE joogtay waxa soo batay tiradda goobaha caafimaadka iyadoo laga rabo ganacsi iyo musuqmaasuq, wax tayo goobahaasi aan lahayn  ila hada,iyadoo ay ka hawl galaan qaar badan oo ka mid ahna dhakhaatiir ajaanib ahi!!. Way fiicantahay in goob caafimaad oo cusubi usoo korodho umadda balse waxa muhiim ah in la baadho isla markaana la hubiyo aqoonta iyo khibradda dadka ka hawlgalaya goobahaas ee lagu halaynayo caafimaadkii qofka muwaadinka ahaa.taasna may samayn xukuuamddan ee xageeda ka yahay muwaadinku rakhiis. Waanu wada ognahay maanta aanay jirin  meel lagu hubiyo tayada dawada la inoo soo waarido iyo sidoo kale meel lagu baadho agabka iyo aqoonta qofka dhakhtarka sheeganaya ee wadankeena yimaada!!!!. Iska daaba in la baadhee cusbitaalada waaweyn ee dawlada khaasatan cusbitaalka weyn ee Hargeysa ayaa noqday goob tababar !!ay usoo doontaan Ardaydda ajaanibka ah ee dhakhtarnimadda ka barata wadamada dibadu!!. Xaga dawadda waxa qof kasta oo Somalilander ahi maanta ogyahay in haddii uu dawo u baahdo aanuu dhakhtar usoo qorin si fudud uga helayo farmasiyadda halka meelaha qaarkoodna tukaanada caadiga ah lagu iibiyo noocyo ka mid ah kiniinada la isticmaalo!!!. Lama oga cidda farmasigan furatay, lama baadho dawada dhacday ee taala, lama xaqiijiyo tayada dawada uu dadka ka iibinayo!!.waxay ku tusaysa dayaca u keenay KULMIYE xaga caafimaadka iyo daryeelka muwaadinka. Diinteena suuban ayaa inoo sheegtay muhiimadda ay nadaafaddu u leedahay guud ahaanba mujtamaca gaar ahaana umada muslinka ah, waxaana la inoo sheegay in ay nadaafadu qayb ka tahay iimaanka.Qashinka oo ah shayga ugu caansan nadaafad darada isla markaana sabab u ah in caafimaad daro timaado oo ay cuduro badani dilaacaan ayaa aad arkaysaa in cidda u hawl saaran ururinta qashinku ay kasoo bixi kari wayday masuuliyadii ka saarnayd qashin gurka, wasakhda magaalooyinka iyo xaafadaha dhexdooda taala. Cusbitaaladda, sariibadaha, hudheeladda cuntada, goobaha waxbarashadda, kawaanada xoolaha, maxjaradda xanaanaynta xoolaha, jeelasha, saldhigyadda bilayska, xeryaha ciidamadda, dariiqyadda bulshadu marto, dooxyada iyo goobaha biyo mareenada oo dhammaantood mid kastaba aynu ognahay qashinka hor yaal iyo waji qabaxa dalkeena ku timaado markay dad ajaanibi aragto somaliland iyo qashankeeda meel walba urura!!.Inkasta oo lakala leeyahay shaqada oo ay dawlada hoose si gaar ah u leedahay shaqadaas haddana waxa xukuumadda dhexe ka saaran waajib in ay ku kormeerto fulinta qorsheyaasha dawladaha hoose ee ku saabsan adeegyadda ay u qabato bulshadda maadama ay musuqday doorashadii deegaanka 2012 oo maayiradu badankood yihiin KULMIYE!!.waxay ahayd in ay xukuumadda KULMIYE la timaadu qorshe iyo hanaan maamul dajiso hagaajinta fayadhawrka guud ee umadda haday ahaan lahayd shuruuc iyo xeerar dhiirigelinaya caafimaadka, nadaafadda, fayadhowrka iyo bilicda deegaanka.lkn way ku saaqiday hawshaas waxayna markiiba ay ku mashqooshay boobka hantida umadda.hadaba aanu u diyaar garowno sidee uga takhalusi lahayn qashinka KULMIYE taas oo ugu horaysa in ku badalno doorashadda xukuumadd cusub taasna ku xigsiisa qabashadda doorashooyinka golaha deegaanka DEC 2017 si dalkan u fiyoobo oo ka baxo waxaan maanta haysta.

By Mukhtar Cilmi

mukhtarcilmi@hotmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews