berberatoday.com
Saraakiisha Maleeshiyaadka Khaatumo Oo Ka Hor-yimid Dagaal Ka Dhan Ah Ciidammada Qaranka Somaliland Oo Cali Khaliif Galaydh Kaga Dhawaaqay Buuhoodle
April 10, 2016 - Written by Berbera Today

“Cidda iclaamisay Dagaalka Waxaanu Aragnaa Cid Fidmo Ugu Yeedhaysa Deegaan Aanay Masuul Ka Ahayn Ee Hala Tago Dagaalka (Cali Khaliif) Goobta…” Korneyl Afweyne

Buuhoodle(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha Kooxda Nabad-diidka ah ee la baxday Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa Shir-jaraa’id oo uu Doraad ku qabtay Magaalada Buuhoodle ku iclaamiyey Dagaal ka dhan ah Ciidammada Qaranka Somaliland ee fadhiisimada ku leh deegaannada Sool iyo Buuhoodle, isagoo ku andacooday inay xoreynayaan Dhulkaasi oo isaga iyo Kooxda taabacsani Lixdii Sannadood ee u dambeeyay ku dhuumaaleysanayeen.

Warka 2-aadCali Khaliif Galaydh, oo farriintan Colaadeed u dirayey Maleeshiyaadka Tirada yar ee Taabacsan iyo Qurba-joogta kula socda Mushkiladaha ammaan daro ee uu deegaannada Buuhoodle iyo Sool ka wado, ayaa sheegay in Kooxdiisu fadhiisin ka dhigan lahayd Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland, laakiin Ciidammada Qaranka Somaliland ku sugan oo aanay tagi karin, sidaa daraadeedna waajib tahay inay dagaal la galaan Ciidammada Qaranka.

Dr. Galaydh oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Haddii aanay Ciidammada (Somaliland) joogin Laascaanood oo aanay dhinac Walka ugu ordaynin labada Boqol ee Gaadhi ee ay wataan halka aynu Naalo meynaan joogneen (Buuhoodle), markaa waxa Waajib innagu ah inaynu Dagaal ka xigno Ciidammadaa, dagaal baanu ka xignaa oo xaq-baanu u leenahay oo Diinta Islaamka ayaa na fareysa, dhaqanka Soomaaliyeed baa na faraya, dhaqanka Caalamiga ah baa na faraya, Diinta Kiristaankaa oo lagaga hadlo dagaallada Xaqa ah ayaa na fareysa, markaa Dagaalkayagu waa Dagaal Xaq ku salaysan oo Bun ka Cafiyi-meyno.”

Cali Khaliif, waxa kale oo uu sheegay inaanu wax wada hadal ahi dhex mari karin Dawladda Somaliland, “Maanta laga bilaabana Wada hadal iyo war kale oo noo yaallaa ma jiro Somaliland, Tallaabada ugu horeysa ee aanu qaadeynaa, Awalna ku jirnay waa dagaalkaa.” Ayuu yidhi.

Laakiin, Colaaddaa uu iclaamiyey Cali Khaliif Galaydh waxa ka hor-yimid Hoggaamiye-yaasha Maleeshiyaadka Khaatumo, waxayna sheegeen in Dagaalka uu Galaydh ka Iclaamiyey Buuhoodle yahay wax isaga ku kooban, isla-markaana aanay jirin wax xilligan ku khasbaya inay dagaal la galaan Ciidammada Qaranka Somaliland, iyagoo sidoo kalena Galaydh ugu baaqay in haddii uu doonayo Dagaal uu la galo Somaliland ka iclaamiyo halka uu doonayo, taa beddelkeedana iskaga baxo Magaalada Buuhoodle.

“Dagaalkaa la Iclaamiyey Maaha Mid deegaankani Go’aansaday, mid Dadkii uu Hormoodka u ahaa Go’aansadeenna Maaha, Waxaanu leeyahay ma jirto hal meel oo Arrinkaasi (Dagaalka) uu Wacyiga ka haysto, Cidda Iclaamisayna waxaan u aragnaa inay tahay Cid aan waxna u diyaarsanayn, Dagaalkana hormood ka ahayn, Hawshiisuna aanay Buuhoodle oolin. Waxaanu u aragnaa Cidda iclaamisay Dagaalka Cid dhibaato iyo Fidmo aanay Deegaanka Masuul uga ahayn u yeedhanaysa, markaa dagaalka Buuhoodle loo iclaamiyey mid jira Maaha, Cidda iclaamisayna Cid Buuhoodle leh maaha.” Ayuu yidhi, Korneyl Afweyne oo ku hadlayey Magaca Saraakiisha Kooxda Khaatumo ee ka hor-yimid Colaadda uu Galaydh Iclaamiyey, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray Shacabka ku dhaqan Magaalada Buuhoodle, “Shacabka Buuhoodle waxaan leeyahay Maaha inaad noqotaan Gashaanti Aamus baa lagu Meheriyaa, Reer Buuhoodle yaanay u aamusin Cidda dagaalka u iclaamisay, markaa waxaanu qaadaneyno Maaha Dagaalkaa la iclaamiyey, waxaanu aqbaleynana Maaha.”

Korneylkan oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Dagaalka la isku iclaaminayo ee la doonayo in si fudud la isku geliyo ee Xabadda la isku soo dhaweynayo Dadka Reer Buuhoodle way arkayaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Galaydh oo Buuhoodle dagaal kaga dhawaaqay deegaankiisa ka dhaceyso Doorashada Somaliland, sidaa daraadeed muhiim tahay in Galaydh dagaalka la tago deegaanka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, “Waxa laga yaabaa Cidda Buuhoodle dagaalka u iclaamisay in Gurigii uu masuulka ahaa ee uu Odeyga ka ahaa in Doorashada Somaliland ka dhaceyso, horena way uga dhacday, markaa ma aqbaleyno inaanu dib indhaha uga qarsanno Cid waxayna lahayn Gacmaha kula jirta, ficil ka muujineysa oo ka hadlaysa, markaa waxaanu leenahay Cidda dagaalkaa Iclaamisay Goobta ugu Habboon ee aad ka iclaaminayso la tag.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews