Sheekh Aadan-Sunne Oo Sheegay In Dad Gaalo Ahi Xukuumadda Somaliland Ku Khasbeen Inay Hargeysa Ka Ururriso Sameecado Lagu Baahin Jiray Muxaadarrooyin Diiniya
April 10, 2016 - Written by Berbera Today
“Makarafoonnada waxa furtay Gaalo soo amartay Dawladda, Aniguna Shaahid baan haystaa…” Sheekh Aadan-Sunne
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sheekh Aadan-Sunne) oo ka mid ah Culimada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay Tallaabo Ciidammada Ammaanku laba Toddobaad ka hor Magaalada Hargeysa kaga ururriyeen Sameecado waaweyn oo ku xidhnaa meelo ka mid ah Badhtamaha Suuqa Hargeysa isla-markaana lagu baahin jiray Muxaadarooyin Diiniya, kuwaasi oo Dad badan ka faa’ideysteen.
Sheekh Aadan-Sunne, ayaa khudbad uu Jimcihii Doraad ka jeediyay Masaajid uu Khadiib ka yahay kaga hadlay Sababta Ciidammada Ammaanku u furfureen Sameecadahaasi, isagoo ku xidhiidhiyey in lagala dagaalamayo Dacwadda Islaamka isla-markaana Dad Gaalo ahi Dawladda ku daba socdaan.