berberatoday.com
Urur U Adeegi Doona Dadka Dhimirka Ka Buka Oo Xalay Lagaga Dhawaaqay Hargeysa
April 10, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Urur lagu magacaabo Somaliland Mental Health Support Organization, oo daryeeli doona dadka dhimirka wax ka qaba ayaa xalay laga furay Magaalada Hargeysa.

???????????????????????????????

Ururkan oo Sannadkii 2011-kii, laga aasaasay dalka Ingiriiska, ayaa qaybtiisa labaadna si rasmiya looga daah furay Somaliland, waxaana munaasibadii furitaanka oo xalay lagu qabtay Mansoor Hotel ee Magaalada Hargeysa ka soo qayb galay Madaxda Ururka Somaliland Mental Health Support Organization,Dhakhaatiir, Culimo awdiin, Ganacsato, Ardayda Jaamacaddaha, Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo marti sharaf aad u tiro badan.

Dr Cabdiraxmaan Doodi oo ka mid ah Ururkan oo isagu ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay ayaa ku dheeraday marxaladihii kala duwanaa ee uu Ururkani soo maray, wakhtigii la aasaasay, waxaanu sheegay in dalka Ingiriiska laga aasaasay Sannadkii 2011, haddana laga furay qabtiisi labaad Somaliland, waxaanu ka xog waramay hawlihii kala duwanaa ee uu Ururkani qabtay, waxaanu aad ugu dheeraday dhibaatada ay ku sugan yihiin dadka dhimirka wax ka qaba iyo daryeelka ay u baahan yhiin.

Guddoomiyaha Somaliland Mental Health Support Organization qaybtiisa Somaliland Xaashi Cabdilaahi Xasan, oo isna Munaasibadaas hadal dheer ka soo jeediyey, ayaa sheegay in Ururkani wax badan soo kordhin doono, isla markaana uu yahay Urur u adeegi doona daryeelka, xanaanaynta iyo wax-tarka dadka dhimirka wax ka qaba ee ku kala sugan Magaalooyinka, Degmooyinka iyo Deegaanada kala duwan ee Somaliland, waxaanu sheegay in mar walba loo baahan yahay sidii la iskaga kaashan lahaa sidii wax loogu qaban lahaa dadka dhimbirka ka xanuusanaya, ee u baahan gargaarka iyo inay caafimaadkoodii dib u helaan.

Dhanka kale waxa uu sheegay in dadka maskaxda ka xanuunsanaya, inay qaarkood ku xanuunsadeen dagaaladii kala duwanaa ee dalka soo maray, waxaanu xusay in mar walba iyaga urur ahaan inay ka go’an tahay inay dadka maskaxda ka xanuunsanaya inay u adeegaan, waxna u qabtaan.

Guddoomiyaha Guddida Caafimaadka ee Gobolka Maroodi-jeex Axmed Muxumed Madar, oo isna Munaasibadaas ka hadlaly ayaa mahadnaq iyo bogaadin u soo jeediyey Ururkan Somaliland Mental Health Support Organization, waxaanu sheegay inay ku dhaqaaqeen talaabo aad u fiican, oo ajar ay ku helayaan, waxaanu ku baaqay in wax lala qabto, oo la garab istaago, waxaanu sheegay in mar walba dadka dhimirka ka xanuunsanaya ee Somaliland inay daryeel badan uu baahan yihiin.

Dhanka kale waxa iyana Munaasibadaas ka hadlay masuuliyiin ,Madax, Aqoonyahano, Dhakhaatiir, waxayna dhammaantood bogaadiyeen una mahadnaqeen ururkan.

Ugu dambayntiina waxa halkaas lagu soo bandhigay filim ka turjumaya xaalaada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin dadka dhimirka wax ka qaba, marka la daryeelo xaaladoodu sida ay tahay iyo daraasad ay sameeyeen Ururkani oo ay ku tageen Gobolada dalka, waxa kale oo iyana halkaas lagu soo bandhigay Riwaayad ka turjumaysa dhibka ay ku sugan yihiin dadka maskaxda ka xanuunsanaya iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo daryeeli karo. Waxaana halkaa lagaga dhawaaqay lacag dhan afar kun oo Dollar.

Ugu danbayn waxa soo xidhay kulankan Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Xasan Dhinbiil.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews