Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Oo Soo Gabagabeeyay Diiwaangalintii Gobalka Saaxil Ka Socotay Muddo 28 Maalmood Ah.
April 11, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-guddida doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa soo gabagabeeyey wajigii labaad diwaangalinta gobolka Saaxil oo muddo 28 cisho ah ka socotay gobolkaasi.
Xaflad loo sameeyey xidhidhitaanka diiwaan galinta gobalka Saaxil oo lagu qabtay jaamacada badda ee magaalada Berbera ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Eng. Cabdiqaadir iimaan oo ay weheliyaan xubnaha kala ah cabdiraxman Cismaan Sagal iyo Kaltuun Sh. Xasan iyo xubnaha komishanka qaranka ee heer gobal, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee somaliland, Wasiir ku xigeen, Guddoomiyaha gobalka Saaxil, Taliyaha Booliska gobalka, taliyaha ciidamada gobalka, Kuxigeenka dekada Berbera, guddoomiyaha jaamacada Bada, maayarka degmada Berbera, shirkada Telesom iyo masuuliyiin kale oo badan.