berberatoday.com
Maxamed Citiraaf Oo Dalka Kusoo Laabtay Loona Caleema Saari Doono Caaqilnimo Beesha Uu Kasoo Jeedo Ah
April 11, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Caaqil Maxamed Muuse Yuusuf(Maxamed Citiraaf)oo ah shaqsi inta badan u ololeeya citiraaf raadinta Somaliland dalal ka badan 30 dalna usoo maray arinkaas citiraaf raadinta Somaliland isaga oo wata baabuur uu leeyahay kana soo kicitimay dalka Ingiriiska oo uu dagan yahay ayaa maalintii shalay dalka kusoo laabtay isaga oo kasoo dagay garoonka diyaaraha ee hargaysa ee Cigaal International Airport.

Caaqil Maxamed Citiraaf ayaa dhawan loo caleema saarayaa caaqilnimo kadib markii walalkii oo Jiif caaqil jufadiisa ahaa Cali Muuse Yuusuf dhawaan Alle ha unaxariistee geeriyooday.

Caaqil Maxamed Citiraaf ayaa markii garoonka diyaaradaha Hargaysa lagu soo dhaweeyay Umahad naqay cid kasta oo soo dhaweyntiisa ka qeyb qaadatay isaga oo shacabka reer Somalilandna intii ka qeyb qaadatay caawinta dadka abaaruhu saameeyeena ku amaanay talabadaas ay ku caawiyeen walaaladooda abaartu ku dhufatay.

Caaqil Maxamed Citiraaf ayaa lagu yaqaanaa nin aad u dabacsan oo naxariis badan oo dadka jilicsana taageera inta badan ka shaqeeya arimaha khayriga sidoo kalena waa muwaadin dadkiisa iyo dalkiisaba jecel oo daacad ah naf iyo maalbana uhuray citiraaf uraadinta dalkiisa Somaliland isaga oo kaligii ah cid wehelinaysaana aanay jirin.isaga oo shaqsiyada noocaas ah leh ayaa la filayaa in caaqilnimada loo caleema sarayna uu guud ahaan dadka reer Somaliland ku ururin doono.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Warbixinta Caaqil Maxamed Citiraaf

https://www.youtube.com/watch?v=vnTCJiceY0Q

 

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews