Xukuumadda Oo Lagu Eedeeyay Masuuliyadda Geerida Oday Ka Mid Ahaa Duqay Xidhan Oo Jeelka Ku Dhintay
April 11, 2016 - Written by Berbera Today
Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah madaxdhaqameedka, Cuqaasha iyo Salaadinta iyo waxgaradka gobolka Sanaag, ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay masuul ka tahay maxbuus ku geeriyooday xabsiga guud ee magaaladda Ceerigaabo, kaasoo qayb ka ah madaxdhaqameedyo in muddo ahba ku xidhnaa Xabsiggaa, waxayna xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqeen in odayaasha xorriyadoodii dib loogu soo celiyo, iyagoo maxkamadda sarrenna ugu baaqay inay soo farragaliso dhacdadada.