berberatoday.com
Beesha Caalamka Oo Ka Walaacsan Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashooyinka Somaliland Iyo Muddo Kordhin Mar Labaad Loo Sameeyo Madaxweyne Siilaanyo –
April 12, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wadamada beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ee maalgeliya doorashooyinka iyo diiwaangelinta Somaliland, ayaa aad uga walaacsan dib u dhac ku yimaada doorashooyinka Somaliland ee la qoondeeyay 2017, taas oo sabab u noqonaysa muddo kordhin mar labaad loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo.

1

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, dalalkan ayaa safiiradooda ku sugan dalka Kenya, waxa ay muddooyinkii u dambeeyay ku jireen shirar ay kaga arrinsanayaan walaacan, iyagoo maalmo ka hor magaalada Hargeysa u soo diray sarkaal ka tirsan xafiiska arrimaha siyaasadda ee Midowga Yurub oo walaacan soo gaadhsiiyay dawladda Somaliland.

Sida ay xogahan uu Geeska Afrika helay sheegayaan, wadamadan beesha caalamku waxa ay walaacooda sabab uga dhigayaan dhawr qodob oo ay ka mid yihiin, dib u dhaca ku yimid diiwaangelinta, khilaafka xisbiga UCID, wax ka bedelka lagu samaynayo xeerka soo saarista natiijada diiwaangelinta oo ay ka warwarsanyihiin in ansixintiisu ay wakhti ku qaadato golaha wakiilada iyo arrimo siyaasadeed oo kale.

Warku wuxuu intaas ku daray inay wadamadani la tashi ugu yeedheen guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha mucaaradka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay laba kulan oo kala duwan kula yeesheen magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Xogaha uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in wadamadani ugu dambayn go’aansadeen inay maalmaha soo socda wefti u soo diraan Somaliland si ay iyagoo isku duuban walaacoodaas u soo gaadhsiiyaan Madaxweyne Siilaanyo iyo dhinacyada ay khusayso.

Dib u dhacii sannadkii hore ee 2015 ku yimid doorashada iyo muddo kordhintii loo sameeyay Madaxweyne Siilaanyo, ayaa waxa ay Somaliland ku keentay dhaawac dhinaca siyaasadda dibadda ah.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews