Daawo Muuqalka”Muuse Biixi Oo Shacabka Reer Berbera Kutilmaamay Tuug Dadka Bada Usoo Dabaal Taga Kabaha Ka Xada,Mobiladana Ka Qaada,Hadalo Cunsuriyad Iyo Cadaawadi Ka Muuqatana Kula Kacay
April 12, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ka baxsan anshaxa siyaasaddeed iyo dhaqanka suuban ee islaamka oo waliba ay ka muuqato cunsuriyad kula kacay shacabka reer Berbera ee ku nool xarunta gobalka Saaxil , waxaana uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku tilmaamay in ay yihiin shacab weynaha reer Berbera tuug hadiyo jeer dadka soo booqda Berbera ee usoo dabbaal taga badda Berbera ka xada kabaha sidoo kalena si boob ah uga qaada taleefanada gacanta ee dadkaasi bada yimi sitaan isaga oo sidoo kalena tibaaxay in shacabkaasi dadka martida u ah ay ku dhex dillaan badda oo magaalada Berbera laga soo celiyo basas dhan oo meydad ah oo shacabka reer Berbera bada ku bakhtiiyeen ama ku ciijiyeen sida uu hadalka uyidhi.
Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey xaflad shalay loo qabtay arday ka qalin-jabinaysay Jaamaca Golis Faraceeda Berbera, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in budhcadnimadaas iyo tuuganimadaasi ay ka jirto magaalada Berbera aanay cid iman doonin magaalada Berbera isla mar ahaantaana cid ku negaan doonin isaga oo hadalkaas afxumada ah kula dul kufay shacabka sharafta badan ee Reer Saaxil ama Berbera.