berberatoday.com
Madaxweyne Siilaanyo Oo 25% Dhimay Kharashaadka Miisaaniyada Qaybo Ka Mid Ah
April 12, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa digreeto uu soo saaray wuxuu ku amray in la joojiyo kharashaadka ku jira miisaaniyada qaybo ka mid ah, isagoo hakinta kharashaadka ku sheegay inay sababtay abaarta dalka ka dhacday.

1

Digreetada Madaxweyne Siilaanyo oo aan saxaafada loo baahin, wuxuu ku socodsiiyay wasiirkiisa maaliyadda Samsam Cabdi Aadan 31 March 2016, waxaana warqadaas oo nuqul laga helay u dhignayd sidan  “Mudane Wasiir. Markii aan xo-ogaal u noqday in xaaladda ba’an ee abaaraha dalka ku habsaday ay ka sii darayaan marba marka ka danbaysa, isla markaana ay duruuftu gaadhay heer ay bilaabantay in ay dar-xumo iyo diif u dhintaan duur-joogtii, duunyadii la dhaqanayey iyo dadkii noolaa, intuba.

Markii aan arkay xilka iyo masuuliyadda gaarka ah ee hoggaamiye ahaan iiga saaran aafadan ummadda ku habsatay, in loo baahan yahay, si looga samato bixiyo in cududa, cuudka iyo caqliga qaranka lagu jeediyo gurmadka abaaraha.

Markii aan arkay in ay Dawladda waajib ku tahay in duruufta abaaraha ka geysato gacan weyn ama taageero dhaqaale, taasoo u baahan ku-talo-gal iyo qorshe cusub maadaama aanay hore Miisaaniyadda qaranka ugu jirin.

Markii aa darsay laxaadka kharash laxaadka leh ee Dawladda kaga soo kordhay Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha, kaasoo ka baxsan ku-talo-galkii saamiga xukuumadda la saaray.

Markii aan tixgaliyey

warbixintii aad ii soo gudbisay ee farta ku fiiqaysay in ku-talo-galkii Dakhliga Miisaaniyadda Dawladda Hoos u dhac ku yimi xaaladda abaaraha darteed.

Sidaa darteed waxaan ku farayaa in aad joojiso kharashyada hoos ku xusan, si loo sameeyo kharash dhimis iyo gunti giijis, laga bilaabo 1-da bisha  April, 2016-ka illaa 31-ka December 2016-ka (Kuwaartarka Labaad ee Miisaaniyadda 2016-ka):

   25%  kharashyada wasaaradaha , golayaasha, khasanada guud iyo hay’adaha madaxa banaan ee Miisaaniyadda 2016-ka ku soo arooray.

 F.G: Kharashyada waxa ka reeban:

· Kharashka Nabadgelyadda

· Kharashka Gurmadka Ciidanka

· Kharashka Magaha

· Kharashka lama filaanka iyo Gurmadka

· Kharashka Isticmaalka Nalka iyo Biyaha

· Kharashka Diiwaangalinta Dadweynaha

· Kharashka Iibsiga Wargeysyada iyo Buugaagta

· Kharashyada yar yare e xafiisyada Dawladda

· Kharashka Stationery-ga

· Saamiga Dawladda ee Mashruuca JPLG

· Fuel Levy-ga Waddooyinka

· Dhismaha Mashruuca Waddooyinka ee Export Livestock Levy

· Kharashka Kabka Goboladda Barriga (Xisaabta 2% ee Goboladda Bari)

· Kharashka Daabacaada Docmenty-yada, lacagaha, Liisamada gaadiidka iyo iwm

1. 10% Kharashka Ciidamadda kala duwan, marka laga reebo:

· Raashinka iyo wixii la mida.

· Iibsiga Qalabka Ciidamadda.

1. 100%  Kharashka dhismayaasha cusub iyo mashaariicda horumarka ee miisaaniyadda 2016-ka.

2. 30% Kabka Dawladdaha Hoose

3. 30% Kharashka Kaalmooyinka Guud.

4. 30% Kharashka Bixinta Deymaha Qaranka ee sanadka 2016-ka, baaqigana lagu daro 2017-ka

5. 30% Dhismayaasha socda ama dhamaaday, baaqigana lagu daro Miisaaniyadda 2017-ka.

6. 20%  kharashka Kaydka qaranka.

10% Kaalmooyinka kale ee Dawladda.

10. 30% Biilasha Deymaha taagan ee wasaaradaha, baaqigana lagu daro Miisaaniyadda sanadka 2017-ka

11. Iibsiga gaadiidka cusub.”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews