berberatoday.com
Somaliland Oo Caalamka Ka Codsatay In Reer Guuraaga Abaarta Ku Caydhoobay Xoolo Loo Helo & Xildhibaan Ingiriis Ah Oo Baarlamaanka Dalkiisa Hor-geynaya Codsiga
April 12, 2016 - Written by Berbera Today

“Waxaanu u baahanahay dib u xoolayn dadkayaga ah iyo in nalaga caawiyo sidaanu biyahayaga u keydsan lahayn, una joojin lahayn biyahayaga durduraya ee galaya badda..” Wasiirka Arrimaha Dibadda

 Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxwaynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane.  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Habeen hore casho sharaf u sameeyay Wefti ka socday Dalka Ingiriiska oo ay Hoggaaminaysay Miss Diane Abbott oo ka tirsan baarlamanka dalka Ingiriiska, kana mid ahaayeen ururrada samo-falka ee islaamiga, ka dib markii ay ka soo laabteen qiimaynta xaaladda abaarta ee dhinac galbeed ee dalka.

DSC_0095Casho sharaftan oo ay Madaxweynaha ku wehelinayeen inta badan Wasiirrada Xukuumaddiisa, Marwadiisa iyo Masuuliyiin kale, ayaa hadal kooban oo Madaxweynuhu ku furay isla-markaana ku soo dhaweeyay waxa uu ku yidhi, “Waxaa farxad wayn ii ah in aan idinku soo dhaweeyo Somaliland, iyadoo labadeena dal ay ka dhaxayso Cilaaqaad soo jireen ah, ku soo dhawaada dalka, waxaanan rajeynayaa in aad wax nagala qaban doontaan dhibaatooyinka nala soo darsay ee ay ugu horayso  Abaartu.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaanu u baahanahay caawimo, taasoo ah mid wakhtiga dheer wax ka tarta dhibaatada dhinaca cuntada ka haysata bulshada. Waxaanan u baahanahay dib u xoolayn dadkayaga ah iyo in nalaga caawiyo sidaanu biyahayaga u keydsan lahayn, una joojin lahayn biyahayaga durduraya ee galaya badda, biyaha dhulka hoostiisa ku jirtana loo soo saari lahaa .”

Xildhibaan Miss. Diane Abbott oo Hoggaamineysa Weftiga Ingiriiska ah, ayaa iyaduna sheegtay, “Waxaan hore dalka u imid 2010, Somaliland qalbigayga qaali ayay ku tahay, waxaanan ka soo baxay  dhinaca bariga London oo ay Somalilanders badani ka mid ahaayeen dadkii ii doortay  baarlamaanka. Somaliland waa dal qani ah, waxad  leedihiin ummad sidaan dibadaha ku arkay  bulsho firfircoon oo shaqaysata oo ku nool dacalada dunida kuwaas oo dalkoodana wax ku soo tara, waxa badana ka qaban kara siduu u horumari lahaa cagihiisana uu iskugu taagi lahaa dalkiinu.”

Xildhibaannada oo hadalkeeda sii wadata, ayaa sheegtay, “Baarlamanka Ingiriiska ayaan cod dheer ugu sheegayaa siday dhab ahaan waxa uga qaban lahaayeen abaarta dalkan ka jirta wakhti xaadirkan, waxna ka tari lahaayeen abaarta soo noqnoqata ee dalka dhacda”.ayay tidhi.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Dr.Hani Bana oo ah Gudoomiyaha ururada samo-falka islaamiga ee Ingiriiska, waxaanu yidhi, “Mudane  Madaxwayne, Somaliland waxay tusaale  wanaagsan u tahay  Gobolkan ay ku taallo. Waan aragnay in ay dhibaato wayni gaadhay dalkiina  oo  Abaartu keentay oo dhinacyadii dhaqaalihiinu ku tiirsanaa xoolo iyo beeraha ahaa ay  naafoobeen, waxaanu ku dedaali doonaa inaanu gaadhsiino ururada Samo-falka iyo dawlada Ingiriiiskaba, sida ay sheegtay Miss.Diane Abbott, dalkii aanu ka nimid ee Ingiriiska si ay u suurto gasho  in wax la idinka taro  cimilada isbeddeshay ee abaaraha iyo daadadka keentay, lana qodo ceelal iyo balliyo waawayn, anigoo ku talinaya  inaad kaashataan qurbo joogiina hawl karka ah ee dibadaha ku nool.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews