berberatoday.com
Wasaaradda Deegaanka Oo Sheegtay In La xidhay Dadkii Jaray Geed Ku Yaalay Suuqa Hargeysa –
April 12, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka Somaliland Eng: Maxamed Cilmi Xuseen, ayaa digniin u diray Bulshada reer Somaliland, waxaanu uga digay inay dhirta jaraan, isaga oo sheegay in cidii dhirta jarta  sharciga la tiigsanayaan, waxaanu tilmaamay inay xidheen ciddii jartay geed ku yaalay badhtamaha Magaalada Hargeysa, isla markaana ay Maxkamada soo saari doonaan.

1

Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka Somaliland Eng: Maxamed Cilmi Xuseen oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrka ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay qiimaha uu deegaanku leeyahay,waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya ” Shacabka waxa aan leeyahay waajib ayaa idin saaran, waxa uu waajib idinka saaran yahay inaad ilaalisaan Dhirta iyo Deegaanka,oo ciddii ku xad gudbaysa ka qabta, ama soo sheega, hore waan u sheegay imikana waan ku celinaya, waxa aan leeyahay oo aan ka digaya jarista Dhirta, oo waxa jira Dhir laga jaray, oo laga jaray magaalada dhexdeeda, waxaana lagu jaray sifo sharci daro ah, oo maalin dhawayd waxa la jaray Geed ku yaalay badhtamaha Suuqa Hargeysa, Geedkaas oo ahaa Geed aad u balaadhan, oo hadh wanaagsan leh, kuna yaalay sakada ka soo horjeeda Gargaar Hotel ama Somtel, laakiin nasiib wanaag cidii jartay waanu xoo xidhnay, sharciga ayaana la tiigsanaynaa, Maxkamada ayaanan soo saari doona, si sharciga loo mariyo, waxa kale oo jira in iyana la jaray Geedad kale oo ku yaala magaalada iyo deegaanada kale ee Somaliland, markaas haddii aanu nahay Wasaaradda Deegaanka Sannad walba waxa aanu qaybinaynaa ilaa laba boqol oo kun oo geed si deegaanka loo ilaaliyo, loona dhawro, markaas maaha in dhrita la gumaado.

Abaarta ILLAAHAY  ayaa keenay imikana inaga dulqaaday, balse waxa dhab ah in dhirtaas la gumaadayo inay abaaraha qayb ka yihiin, waxaana Bulsho weynta reer Somaliland ku boorinaya deegaanka inoo ilaaliya, oo nala ilaaliya, oo nala dhawra”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews