Galkacayo”Oo Laba Nin Lagu Dilay Iyo Maamulka Gobolka Mudug Oo Ka Hadlay
April 13, 2016 - Written by Berbera Today
Galkacayo(Berberatoday.com)-Maamulka gobalka Mudug ee Puntland ayaa ka hadlay meydka labo nin oo ka shaqeynayay sida la sheegay Hotel can ah oo kuyaala magaalada Gaalkacyo, oo goor dhaw meydkooda laga helay Banaanka magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha gobalka Mudug Xassan Abgaalow wuxuu sheegay in aysan waxba xog ah ka heyn cidda dilkan geystay, wuxuuna sheegay in ay nimanka isagga ula muuqdeen in ay magaalada joogi jireen oo uu mid kamid ah wajiyadooda gartay, laakiin uusan cadeyn karin halka uu ka shaqeyn jiray.
Warar soo baxay ayaa xaqiijinaya in ay labadan ninba aysan u dhalan deegaanada Puntland, ayna yihiin dadweynaha soo galay ee ka shaqeysta, ayna ka shaqeynayeen Hotel kuyaala magaalada Gaalkacyo.