berberatoday.com
JABBUUTI:Laba Daran Mid Dooro!-W/Q.Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”
April 13, 2016 - Written by Berbera Today

Jimcihii(April,8 2016) waxa Jabbuuti ka qabsoontay doorosho natiijadeedu ku dambeysey geddii dadka badankiisu filayey ee ahayd; Geelle waa dooran yahay!
Asalkaba Kelitalisnimada ayaa is yara farsamo dhaanta;tan Geelle waa riwaayad qof keli ahi metelo.Qofkaasi waa Ismaaciil Cumar Geelle!
Si kale na,kelitalisnimada gudeheeda waxa lagu bartaa bog jilicda dadweynaha.Dadka reer Jabbuuti waa u lagdan yihiin Ismaaciil Cumar Geelle – sidaas awgeed weligii ba waa dooran yahay!

Colaadda dabadheeraatay ee Soomaaliya iyo fawdada iyo bayhoofka ummadda Soomaaliyeed ku sugan tahay Jabbuuti waxa ay u tahay dugsi hortooda ka furan oo ay ku barteen casharrada gobolka.
Jabbuuti oo ku taalla Gacanka Cadmeed waxa hareeraheeda ka abaabulan siyaasado isdiiddan.Itoobbiya oo ka samri la’ dekadda Asmara,Soomaaliya oo argagaxiso iyo shisheeye ku hirdamayaan iyo guud ahaan Jabbuuti oo ku taalla goob aad u mihiima dan uma ahan dagaal Ismaaciil Cumar Geelle ka dhan ahi.
In reer Jabbuuti kelitaliye Ismaaciil Cumar Geelle la gaylamaan oo ay sidaa Soomaaliya nabaddoodu dhacanto waxa ay ka door bideen dulmiga inay isaga noolaadaan -Laba daran mid dooro!

Waxa iyaduna yaab ah qoraallo tahniyad lagu sheegay oo ka ka la yimid Muqdisho iyo Hargeysa!
Axmed-Siilaanyo,madaxweynaha Soomaaliland, xafiiskiisa waxa kasoo baxday warqad aad u udiiddan sooyaalkiisa qof ahaaneed iyo kan siyaasadeed labada ba!
Axmed-Siilaanyo waxu meel walba ka sheegi jirey inuu dulmigii iyo kelitalisnimadii Maxamed Siyaad Barre ka soo dagaallamay oo ay mujaahidiin saahiday yihiin isaga iyo saaxiibbadiisa SNM,misna waxu ammaan iyo bogaadin hawada sare u marshey Ismaaciil Cumar Geelle oo markii afaraad cusboonaystay boqortooyadiisa GEELLE EMPIRE ee iminka toddoba iyo toban jirsatay-nin qoyani biyo iska ma dhawro!
Ismaaciil Cumar Geelle waa siyaasi sadhaysan oo kursiga ku fadhiya jujuub iyo car juuq dheh!
Waxa lagu hakan karaa Axmed-Siilaanyo muxuu Siyaad Barre ku diiday ee uu Geelle ku ogolaaday? Jawaabtu dhawr af bay yeelan kartaa qof walibana dhan buu ula kici karaa!
Axmed-Siilaanyo laba ha kala reebto MSBarre dulmi buu kursiga ku fadhiyey iyo ICGeelle dimuqraaddi buu kursiga ku fadhiyaa!

Xafiiska dawladda Federaalka Soomaaliya na warqad kale oo mataanaysay ta Hargeysa ayaa ka soo baxday oo haddaynnu toos usoo xantoobsanno u dhignayd sidan:
“Madaxweyne Geelle waxaan kuu gu hambalyeynayaa guusha weyn ee aad kasoo hoysay Doorashadii madaxtinimada ee shalay ka dhacday Jabbuuti. Guushaana waxay tilmaamaysaa kalsoonida shacabkaagu kugu qabaan iyo Wax-qabadkii dalkaaga u horseedday, taasoo dunida oo dhan ay qirtay.”
Doorashada Jabbuuti ee dembiga ah waxa ka dhagar badan warqadahan Xasan Sheekh iyo Axmed-Siilaanyo oo khadkoodu xarriiqayaan dulmi kale.

Gabaygii Dogobqooye ee Cali Sheekh Maxamed Cabdi,aan Cali Ileeye idhaahdee ayaa arrimahan Jabbuuti wax ka yidhi 2014-kii, isagaynnu ku dabraynaa:

“Dib-u-soco hore –usocodu waa shuqul diktaatoore
Dibnahaaga iyo uurku way kala dibboodaane
Dadka reer Jabbuutee gobtaa haw dardaar werine
Dimoqraaddi bay doonayaan doorashiyo foode
Dukaan maaha aad leedihiyo daasyo kuu furane
Doobiga xumaan buuxsamaa wayska daataaye
Amma daadeg dhaaxay wax badan kuu dul qaateene”

W/Q:Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”

dheellitire@hotmail.com

10.April.2016

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews