Laascaanood: Nin Ay Walaalo Yihiin Xildhibaan Dhakool Ka Golaha Wakiilada Somaliland Katirsan Oo Toogasho Lagu Dilay
April 13, 2016 - Written by Berbera Today
Lascanood(Berberatoday.net/com)-dabley hubaysan ayaa toogasho ku dilay Nin shacab ah, magaalada Laascaanood. Dilka ayaa dhacay fiidnimadii Habeenkii Isniinta, waxaanu ka dhacay agagaarka Masaajidka Al-huda ee Magalaadaas.
Cabdilaahi Axmed Caraabay oo ay walaalo ahaayeen xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa toogasho lagu dilay xilli uu ka soo baxay Masaajidka Al-huda. Dableyda dilka geysatay aya la sheegay inay ka baxsadeen goobta markii ay falka fuliyeen.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha Ciidanka Nabad-gelyada oo ku saabsan dilka iyo inay jiraan wax raad ah oo laga hayo Kooxdii geysatay.