Qoddobada Kasoo Baxay Shirkii Dawladda Xamar Iyo Maamul Goboleedyada Hoos Ymaada
April 13, 2016 - Written by Berbera Today
Mogadisho(Berberatoday.com)-Shir lagaga hadlayay sidii Somalia doorasho uga dhici lahayd iyo qaabka ay ku imanayaan Baarlaamka, ayaa lagu soo gebagebeeyay magaalada Muqdisho. kadib laba maamlmood oo shirkaasi u socday masuuliyiinta dawlada Federaalka iyo saraakiisha Maamul goboleedyada.
Munaasabada lagu soo xidhay shirkaas laguna shaacinayay war murtiyeedka ka soo baxay ayaa ka dhacday xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ah, Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Madaxda maamul goboleedyada, wasiiro iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.