berberatoday.com
Shabakadda Karrin Haldoorka Beesha Ciise Muuse Kolba Mid Marmarinayso Miyaanay Oggeyn Inuu Ilahay ka Xisaabin Doono, Danbiga Intaa Le’eg, Bal akhri Inta Masuul ee ay Maalinba Mid Dusha ka Saaran Danbi aanayGelin!!!
April 13, 2016 - Written by Berbera Today

Shabakadda naxliga iyo Beentu madax martay ee Karrin, waxa ay noqotay mid ka araadan anshaxa iyo aqlaaqiyaadka Saxaafadda, waa mid masuubo ka talis ah, oo wasiirka hawlaha guud ee Qaranka xilka ka hayaa doonayo inuu Beelaha walaalaha ah ee wada degga gobolka saaxil isku diro oo maydkoodu bato. Munaafaqadda ay baahiso shabakaddaasi waxa kamid ah, inay maalin walba baraha bulshada soo dhigto Warar aan sal iyo raad toona lahayn. Tusaale ahaan, waxa ay maalin walba soo qoraan War odhanaya Taliye Caseyr waxa Dilay Cali Xoor-xoor, haddana waxa ay Soo Qoraan Taliye Casayr waxa Dilay, Cabdi Shajuur Ciddin, haddana waxa ay Soo Qoraan Musharrax Jamaal Cali Xuseen ayaa dilay, haddana waxa ay soo qoraan, Ciise Muuse oo dhan ayaa Dilay, haddana Taliye Caseyr waxaa Dilay Cali-xoor-xoor Walaalkii, haddana yidhahdaan Ibraahin dhegoweyne ayaa dilay, haddana Marwo Aamina Waris ayaa dishay?. Subxaanalaah; Wararka is khilaafsan ee ay baahiyaan waxay ku cadaynaysaa inuu Warkoodu yahay Been iyo Munaafaqad loogu talo galay in lagu dhaawaco sharafta iyo karaamadda Haldoorka Beesha Ciise Muuse. Haddaba, waa ayaan darro oo waa masuubo qaran in Shabakadda sheeganaysaa in Somaliland Laga leeyahay, ay baahiso beenta intaa le’eg, sidoo kale, waa munaafaqad iyo isku dir ummaddeed oo ay ugu talo galeen Inaamada yaryar ee is leh la idin garan-maayo iyo wasiirka lacagta ku bixiya ee Hawlaha guud oo isna caqligiisa iyo aqoontiisu garansiisay inuu ummadda uu xilka u hayo isku diro si dagaal uga dhex dhaco. Ilahay waxa uu inooga Digay, waxa la yidhaahdo Dira-diraale iyo Nabiibiye, waa mid subxaanale, haddii qof warbaahin waxxku qoraaya uu garan-waayo dhibaatada ay leedahay beenta intaa le’eg ee laga masabidaayo qof islaam ah, oo weliba aad leedahay wuxuu Dilay hebel, waa ayaan darro iyo masiibo laga ducaysto, ilahay Danbiga aad qofkaa dusha ka saartay ee tidhi wuxuu dilay, hebel waa mid maalin uu qofka maanta warka noocaasi qoraaya uu yahay mid daciif ah oo ilahay la horjoogo. Sidoo kale, waxa cadaan ah oo cidda Wararka noocaas ah baahisa shabakadda Karrin inay isleeyihiin kiciya Beesha Habar-jeclo si ay isku dilaan, Beesha kale ee ay walaalaha yihiin ee Ciise Muuse, runtii labadan Beelood waa kuwo ehel ah oo walaalo ah, oo isku deegaan ah, oo xidid iyo xigaal ah, maha beelo isku dilaaya wax Inaan yari meel ku qoro, wax ay is yeeleen waxa ay isku yihiin iyo danta ay wada leeyihiin ayaa ka weyn. Hase-yeeshee cidda ummadda dhan danbi aanay galin dusha ka saaraya, maxay uga dan leeyihiin, waxa markhaati ma doon ah in cidda beentaa qoraysaa ay uga dan leedahay arrin siyaasadeed, laakiin may fahmin dabinada siyaasaddaa in aan meelaha laga dayin. Waxanan leeyahay walaalayaal ilahay ka cabsada oo sida warbaahinta kale ee reer Somalilnad wax u qora, oo ummadda isku soo jiidda, oo ka dagaalama cidda dadka isku diraysaa, sidaas oo aad yeeshan aduunka iyo aakhiraba waadku leebaaneysaan. Ilahayna waxaan ka baryaya inuu idin garansiiyo wanaagga iyo nasteexa wuxuu ku jiro.

 

W/Q Cali Faarax Warsame

Cali44@hotmail.com Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews