berberatoday.com
Bahda Garsoorka iyo Dawladda Hoose Hargeysa Oo Xal U Radinaaya Mushkiladda Dacwadaha Dhulka
April 14, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday,com)-Bahda Garsoorka iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa kulan lagaga arrinsanaayey dhibaatooyinka dacwadaha dhulka ka dhasha ku yeeshay  Shalay Xarunta Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Warka Garsoorka iyo Dawladda HooseGuddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali oo Hoggaaminaaya bahda Garsoorka iyo Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelko oo hor kacaayey Golaha Deegaanka, ayaa sheegay in xal loo radinaayo dacwadaha dhulka oo ah kuwo mushkilado badan keena.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare Prof. Aadan Xaaji Cali, ayaa sheegay in kulankaas lagu sameeyey guddi labada dhinac ka kooban, taasoo fudaynaysa baadhitaannada la xidhiidha musuqmaasuq amma wax is daba marin haddii ay ku kacaan saraakiisha dawladda hoose, maxkamadana la soo istaajin karo.

“Dawladaha Hoose Guud ahaan dalka oo dhan waa hay’adaha ugu badan ee sida fiican ay ula shaqeeyaan, gaar ahaan Caasimaddu way ka sii badan tahay. Marka waxa aanu abuurnay guddi labada dhinac ah oo haddii ay dawladaha hoose jiraan dad sharcigii ku xad-gudbaaya amma khiyaamo ha sameeyaan in garsoorku diyaar u yahay  inuu tallaabo ka qaado,” ayuu yidhi Guddoomiye Aadan.

Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelko, ayaa sheegay in kulamada noocan ahi ay halkan ka sii socon doono, kulanka dambana ciidammada boolisku ka qaybgeli doonaan si xal looga gaadho dacwadaha khilafaadka dhulka, fulintooda iyo waliba wada shaqaynta bahda garsoorka iyo dawladaha hoose, waxaannu yidhi; “Maanta (Shalay) waxa aan ka mahdnaqaynaa martiqaadka ay noo sameeyeen si shaqada iyo wadashaqaynta loo dhiirigeliyo, hawlaha shaqana ay toos u socdaan, hadday noqoto wada shaqaynta Garsoorka iyo Dawladaha Hoose ka dhaxayso, khaasatan dawladaha hoose, hadday tahay fulinta, hadday tahay daadejinta Maxkamadaha. Kulankan oo aad u muhiima, waa in kulanka dambena uu boolisku nagu soo biiro si ay hawshu u wada dhamaystiranto, khayr baanannu ka rajaynaynaa.”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews