berberatoday.com
Madax-dhaqameed Wasiirka Arrimaha Gudaha Ku Eedeeyay Inuu Beeshiisa Ku Deegaamaynayo Deegaankooda
April 14, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Beesha Degmada Sallaxlay iyo Guddida Sahan-barwaaqo, ayaa eedayn u jeediyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, iyagoo sheegay inuu deegaamayn ka wado dhul ka mid ah Deegaannada Beeshooda.

Warka Madax-dhaqameedkaCuqaal iyo Waxgaradka ka mid ah Beesha Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale), ayaa Shir-jaraa’id oo uu ay ku qabteen Hargeysa ku sheegay in Wasiirka Arrimaha guduhu uu Qalalaase iyo Amni xumo ka wado deegaan ay sheegayaan inuu ka mid yahay Deegaannadooda, waxayna ka digeen in arrintaasi keeni karto inay isku dhacaan Beeshooda iyo Beesha uu ka dhashay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland.

“Dadku Dhulka wuu wada leeyahay waanu kala leeyahay, markaa Xabaal uu ku aasan yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Awoowgii, ahna Deegaan ay leedahay Beesha Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale), ayaa baryahanba Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Beeshiisu ka wadeen Qalalaase. Waxa isku-kaayo-qaban waayay Wasiirka Arrimaha gudaha oo Amniga qaabilsan oo haddana isagii Amni xumo wada, markaa waxaan leeyahay Qalalaasaha laga wado Deegaanka ay ku taallo Xabaasha uu ku aasan yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Awoowgii waxay keenaysaa isku dhac beeleed.” Ayuu yidhi, Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar oo ka mid ah Cuqaasha halkaa ka hadashay, waxaanu intaa ku daray oo uu Farriin uy diray Madaxweynaha Somaliland, “Madaxweynaha waxaan leeyahay wax ka qabo Wasiirka Arrimaha gudaha ama meesha gee Wasiir aan Xabaasha uu Awoowgii ku aasan yahay aan Dadka dul-geynin. Beesha uu Wasiirku ka dhashay waxaan leeyahay Arrinkaa haddaanaan raali ka ahayn ma samayn kartaan”

Caaqilka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Dad ay isku beel yihiin Wasiirka Arrimaha Guduhu ay deegaanka muranku ka taagan yahay ku rasaaseeyeen Guddoomiyaha Degmada Sallaxlay isla-markaana Kaantarool ka sameysteen jid halkaa mara, “Meeshaa waa lagu rasaaseeyay Guddoomiyaha Degmada Sallaxlay..waxayna kooxdaasi halkaa ka samaysteen Istab (Kaantarool) ay Dadka ku baadaan, markaa waanu ka digeynaa Mushkiladda halkaa ka iman karta.”

Mid kale oo ka mid ah Cuqaasha Shirka jaraa’id ka hadlay, ayaa yidhi, “Dhulka Ciidagale waa la yaqaan, Cid aanu riixno ma jeclin, in wanaag lagu wada noolaado ayaanu jecelahay. Reerkaa aanu walaalaha nahay waa Wakhtigii uu Beesha Ciidagale soo dhex galay waa Wakhti tilmaaman, halka uu marayana waalla ogyahay, walaalnimo aynu ku wada noolaanno ayaanu ka baryeynaa.”

Madax Dhaqameedkii iyo masuuliyiintii halkaa ka hadlay ayaa dhamaantood si isku mid ah uu muujiyay sida ay uga soo hor jeedaan Qorshe ay sheegeen inuu Beeshiisa ku deegaamaynayo Deegaanka lagu Magacaabo Xawaalka Waran-cadde oo ay tilmaameen inuu deegaannadooda ka mid yahay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews