berberatoday.com
Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Qoyskii, Eheladii, Asxaabtii, Qaraabadii Iyo Shacbiga Somaliland Ee Uu Ka Baxay Marxuum Oday Xaaji Ibraahin Askar Ismaaciil Oo Ku Geeriyooday Magaalada Sheffield Ee Waqooyiga England.
April 14, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoyskii, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Oday Xaaji Ibraahin Askar Ismaaciil Sahal oo 12/04/2016 ku geeriyooday Sheffield ee Waqooyiga England.

SSS

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa odayaashii, waxgaradkii ka soo shaqeeyey, halkankii xornimo doonka ee 1950kii ilaa 1960 kii waxa kale oo uu ahaa Ganacsatadii xoolaha dhoofin jirtay laga bilaabo dhamaadkii 1950-yadii ilaa horaantii 1990-naadkii, isagoo mar wada galay ganacsigii dhoofka Xoolaha iyo dabshidkii ololihii xornimo doonka, waxaanu noqday gudoomiye ku xigeenkii laantii Berbera ee xisbigii SNL ee horseeday xornimadii 26 june 1960kii, isagoo muddooyinkii danbena door muhiima ka soo qaatay dib ula soo noqoshadii qaranka Somaliland, sidoo kalena wuxuu qayb libaax ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo. qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
C/raxmaan Sh Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews