berberatoday.com
Somaliland”Magacyada Laba Carruur Ah Oo Ku Dhintay Ceel-biyood Ku Yaalla Hargeysa Iyo Daanyeerro Harraaddan Oo Wiil Yar Ku Dhaawacay Degmada Oog
April 14, 2016 - Written by Berbera Today

Aabaha Dhalay Mid Ka Mid ah Carruurta Ceelku Liqay Oo Dareenkiisa ka hadlay & Wiilka Daanyeerradu dhaawaceen oo Aabihii Xaaladdiisa ka waramay

Oog(Berberatoday.com)-Yuusuf Ibraahim oo 16 Jir ah iyo Ayaane Maxamuud oo 12 jir ah, ayaa ku Geeriyooday Ceel-biyood ku yaalla Xaafadda Boqol-jire ee Magaalada Hargeysa.

Geerida ayaa timid ka dib markii mid ka mid ah Carruurtu uu ku dhacay Ceelka, ka kalena isku dayey inuu ka soo saaro oo uu badbaadiyey.

Wraka 1-aadCeelkan oo ku yaalla Afka hore ee Laagta Biyaha ku soo shubta Ceel ku yaalla Xaafadda Jigjiga yar, ayaa ah mid kooban isla-markaana dharar ahaan aad hoos ugu qodan.

Axmed Cabdiqafaar Cabdiraxmaan oo ah Wiil dhallinyaro ah isla-markaana ku jiray Dadkii u soo horeeyay ee gaadha Ceelku markii uu Carruurta liqay, ayaa si kooban uga waramay sida wax u dhaceen, “Waxaan soo gaadhay iyadoo laga soo saarayo Labada Carruurta ah kii weynaa, iyadoo Naftu aanay ka wada bixin ee dhaqdhaqaaq yar leh, waxaanu Geeriyooday markii inyar uun la siday.” Ayuu yidhi.

Aabaha dhalay Marxuum Ayaanle Maxamuud oo ah Askari ka tirsan Ciidammada Qaranka Somaliland oo isaguna la hadlay Telefiishanka HCTV, ayaa sheegay in Geeridu xaq tahay isla-markaana Qofba sidii uu ILAAHAY ugu Talo-galay u dhimanayo, laakiin ay lagama maarmaan tahay in Xukuumaddu wax ka qabato Ceelka Carruurta liqay oo horena u liqay Carruur kale oo badan, “Waxaan Xukuumadda ka codsanayaa in la sameeyo sidii Ceelkaa looga oolin lahaa Carruuraha ku dhimanaya, Waayo? Xitaa waxa yimaadda Carruurta Daloodho.” Ayuu yidhi, Aabaha Dhalay Ayaanle Maxamuud oo ka mid ah Labada Carruurta ah ee ku dhintay Ceelkaasi.

Guddoomiyaha Xaafadda uu ku yaallo Ceelka Carruurta Liqay iyo Xubno kale oo ka hadlay Masiibada halkaa ka dhacday Shalay, ayaa iyaguna Xukuumadda ugu baaqay in wax laga qabto Ceelkaa iyo kuwa kale ee la midka ah, iyagoo sheegay in Ceelkan uu 30-kii Sannadood ee u dambeeyay uu liqay Carruur ka badan 50.

Dhanka kale, Inta la ogyahay Wiil Da’diisa lagu sheegay Lix Sano Jir, ayaa ku dhaawacmay Weerar Raxan Daanyeero ah ku qaadeen Gurigooda oo ku yaalla Degmada Oog ee Gobolka Saraar ee Somaliland.

Daanyeerkan oo Deegaannadii uu ku noolaa ka waayay biyo, ayaa la sheegay inuu Wiilka yar Weeraray iyadoon aanay Cidna la joogin Gurigooda, waxaanu Dhaawac ka soo gaadhsiiyey mid ka mid ah Miskaha oo loo maleynayo inuu ka qaniinnay, sida uu sheegay uu Aabihii oo la hadlay Idaacadda Hirad.

Wiilkan yar oo ay Weerarka Daanyeerada ka badbaadiyeen Dad la jaar ah, ayaa Dameer lagu gaadhsiiyey Xannaanada Caafimaadka ee Degmada Oog, ka dib markii sida la sheegay loo waayay Gaadhi lagu qaado, iyadoo Dhakhaatiirtan ku sugan Xannaanada Degmadaasi Caafimaadka Wiilkan yar la dacaalayaan.

Maxamed Saleebaan oo ah Wiilka yar Aabihii, ayaa sida uu u dhacay Weerarka Daanyeerku ku dhaawacay Wiilkiisa iyo Xaaladda Caafimaad ee Wakhtigan uga waramay Idaacadda HIRAD, ayaa yidhi, “Wiilka waxa soo Weeraray Raxan Daanyeerro ah oo Harraaddan, markii uu soo weeraray Wiilka waxaanu Aroorinay Xoolo.”

Aabaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Markii uu soo Weerarray Daanyeerku waxa Qayladiisa maqlay Reer u dhow oo  u soo gurmaday, waxaanu ka dhaawacay halka ay iska galaan Misigta iyo Muruqa u dhowi. Caafimaadkiisuna wuu fiican yahay, Waayo? Markii aan halkan Xannaanada keenay waalla daweeyay.”ayuu yidhi.

Weerarka uu Daanyeerku ku qaaday Wiilka yar, ayaa ku soo beegmaya xilli biyo-yaraani ka jirto deegaanka Oog, ka dib markii uu Cilladoobay Ceelka Riigga ah ee ay Biyaha ka Cabbi jireen Dadka ku dhaqan deegaannada Hoos yimaadda Degmada Oog ee Gobolka Saraar.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews