berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Muuse Biixi Oo Shacabka Reer Berbera Kutilmaamay Tuug Dadka Bada Usoo Dabaal Taga Kabaha Ka Xada,Mobiladana Ka Qaada,Hadalo Cunsuriyad Iyo Cadaawadi Ka Muuqatana Kula Kacay
April 15, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ka baxsan anshaxa siyaasaddeed iyo dhaqanka suuban ee islaamka oo waliba ay ka muuqato cunsuriyad kula kacay shacabka reer Berbera ee ku nool xarunta gobalka Saaxil , waxaana uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku tilmaamay in ay yihiin shacab weynaha reer Berbera tuug hadiyo jeer dadka soo booqda Berbera ee usoo dabbaal taga badda Berbera ka xada kabaha sidoo kalena si boob ah uga qaada taleefanada gacanta ee dadkaasi bada yimi sitaan isaga oo sidoo kalena tibaaxay in shacabkaasi dadka martida u ah ay ku dhex dillaan badda oo magaalada Berbera laga soo celiyo basas dhan oo meydad ah oo shacabka reer Berbera bada ku bakhtiiyeen ama ku ciijiyeen sida uu hadalka uyidhi.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey xaflad shalay loo qabtay arday  ka qalin-jabinaysay Jaamaca Golis Faraceeda Berbera, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in budhcadnimadaas iyo tuuganimadaasi ay ka jirto magaalada Berbera aanay cid iman doonin magaalada Berbera isla mar ahaantaana cid ku negaan doonin isaga oo hadalkaas afxumada ah kula dul kufay shacabka sharafta badan ee Reer Saaxil ama Berbera.

“20-Bus, ayaa yimaada Berbera oo Burco, Hargeysa, Borama iyo illaa Wajaale idiin ka yimaada, dee haddii Bas walba meyd baddu liqday la soo saaro, dee yaa imanaaya Berbera sow la odhan maayo col baa jooga. Oo haddii qofku marka uu yimaado aad kabaha ka qaadaan(Xadaan), moobilkana ka qaadaan(dhacdaan) isagana aad bada ku ceejisaan(dishaan) Berbera yaa imanaaya sow laga yaaci maayo.”.Ayuu yidhi Muuse Biixi.

Waxa kaloo uu Muuse Biixi uu aflagaado ugaystay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka oo uu ku dhaliilay sababta uu dhulalka seesan ee dadku leeyihin dad kale looga iibin waayay loogana qaadi waayay dadkii lahaa waxaanu yidhi”Berbera waxay u baahan tahay dadka lacagta leh ee
horumarinayaa inay helaan xaaladihii ay ku degi lahaayeen, tusaale
Maayarkiina wuu joogaaye magaalada Berbera dhan walba 5KM sees baa ku
xidhan ilaa toban sanno qaarkood sees yihiin, waa in dadkii lahaa
hudheello waawayn, warshado iyo fooqyo ka dhisaan, haddii kale cid kale
oo intaas dhisaysa waa in la siiyo yaanay Berbera xannibine.”

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Sida khasabka ah loogu caleema saaray Musharaxnimada aan cagaha adag ku taagnayn ayaa ceebeyn iyo aflagaado aan xad lahayn ula badheedhay shacabka sharafta badan ee reer Saaxil isaga oo waliba codna ka doonaya, Muuse Biixi ayaa waayadan danbe gacantiisa toori iskula dhacaayay isaga oo cid kasta oo uu cod ka raadinayo kula kacaayay afxumo iyo waliba isaga oo sadaladii Beelaha subeer awalna faraha lagalay oo isku dayay inuu sameeyo Suldaan waraabe utaaga oo uu ku sheegayo inuu yahay Suldaan beelaha Subeer awal ah.

Sikasata waxa muuqata in maalinba maalinta kadanbaysa ay taageerayaal iyo dad kasii baxayaan Xisbiga Kulmiye waa markuu hadlaba Gudoomiye Muuse Biixi waxaanay tani cadanaysaa inuu Muuse biixi cidla ka taaganyahay Taageero uu kahelo gobol kasta oo somaliland kamida ah.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuse Biixi Oo Reer Berbera Ku Tilmaamaya Tuug kabaha Iyo Mobilada ka Qaada dadka Bada usoo dalxiis Iyo Dabaal taga

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews