|
berberatoday.com
Digniin Caafimaad”Maxaad Kala Socotaa Halista Caafimaad Ee Xawaasha Maraq Digaaga Loo Yaqaan Ku Hayo Bulshada Isticmaasha
April 15, 2016 - Written by Berbera TodayToronto(Berberatoday.net)-Waxaan ka hadlayaa maanta mawduuc muhiim u ah qoys walba oo soomaaliyeed inay wax ka ogaadaan, wuxuu ku saabsan yahay caafimaadkaaga iyo midka qoyskaaga, dhibaatadaas oo ay dhici karto inay jikada kuu taallo, waa “maraq digaaga” lagu daro suugada cunnada lagu cuno. Maraq digaagu aad ayay soomaalida u isticmaashaa waxayna ku darsadaan suugada si loogu carfiyo, dhanaane loogu yeelo, shirkadaha sameeyo maraq digaaga ay badanaa soomaalidu isticmaasho waa: “Maggi”, “Oxo” “Jumbo”, “Knorr” iyo “CalNort”. Talow ma isweydiisay, Muxuu maraq digaaga ka samaysan yahay? Muxuuse dhibaato leeyahay? Xaqiiqada ugu horeyso waxay tahay in aan maraq digaaga laga samaynin “Maraq Digaag”, taasi waxaa sii dheer in laga sameeyay waxyaabo caafmaadka u daran oo halis ku galin karo waxaana ka mid ah:
Waxay cilmibaarayaashu ku taliyaan in badalka maraq digaagaan suuqyada ganacsiga loo keenay in aad si dabiici ah ku carafsan kartid suugadaada sidii awalba ay soomaalida taqaanay, kabsarcaleenta, toonta, filfisha, xawaajiga iyo wixii la mid ah. Ogow waxaa jiro shirkado aanan ka fakaraynin caafimaadkaaga oo jeebkaaga ku tiirsan, wixii cusub oo aadan aqoon u lahayn baaris ku samee inta aadan isticmaalin. Haddii aad su’aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su’aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo boggaan “SomaliDoc.com” oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007. COMMENTS
|
||||
|