” Illayn Af Aanad Lahayn Lama Qabto, Waar Hadalku Gurracanaa”Muj.Cali Gurey Oo Ka Hadley Hadlo Ka Soo Yeeshay Gudoomiye Muuse Biixi
April 15, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiye ku xigeenka saddexad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID muj.Cali Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu ka hadley hadlo dhawaan ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muj.Muuse Biixi oo uu rer Berbera kaga hadlaayey
Cali Guray oo qoraal kooban soo dhigay Facebookga ayaa waxaa uu sheegay in aanu hadalkaasi u qalmin shacabka rer Berbera in lagu yidhaahdo waliba nin cod ka doonaya uu ka hor yidhaahdo waxaana uu yidhi
“Illayn af aanad lahayn lama qabto! Waar hadalku guracanaa.
Hadda ogaada Madaxwayne ayuu u socdaa wax aan qab qab dhaafay iyo kibir iyo isla wayni ahayn oo lagu doorto ma hayo ee ma lagu dooran. Hadda caqligiisa cid kale ayuu mindhaa ku raaligeli is leeyahay.
Eray gef waa laga yeedhsiin jiray waanu eedi jiray kanna mahadin maayo. Musharaxnimada boolida ah reer Berbera ayuu ku helay oo looga taag waayay ka daaya iyo ka jooga. Hadda qayladiyo qacdu waa iyaga aniguna waxan leeyahay”