berberatoday.com
Khilaaf ka Dhex Curtay Madaxtooyadda Hoggaanka KULMIYE+Buugii Waxqabadka + Fadeexaddii Sawiirka Muuse + Libinta Siilaanyo + Xaqiraadii Gaafaadhi + Isgamaarintii Maxamuud Xashi
April 15, 2016 - Written by Berbera Today
buuga-shakigu-kadhashay

Hargeysa(Berberatoday.com)-Todobaadkan, ayaa markii ugu horreysay, waxa si aan caad lahayn usoo ifbaxay ifafaaleyaal hor leh oo iftiiminaya inuu khilaaf ka dhex jiro qasriga uu degen yahay hoggaamiyaha Qaranku Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye ee uu Gudoomiyaha u yahay Muj. Muuse Biixi Cabdi, kaddib markii in muddo ahba ay kusoo noqnoqonaayeen faggaarayaasha Siyaasadda, marfeshyadda iyo goobaha kalee Bulshaddu ku kulanto intaba Warar iyo xoggo tilmaamaya in Khilaaf Siyaasi u dhexeeyo Madaxtooyadda iyo Hoggaanka Xisbiga.

Haddaba, muddo kaddib daliilka ama dillada khilaafka jiitamaayey, waxa si aan mad-madow ku jirin uu usoo shaac baxay horraantii todobaadkan, kaddib markii Afhayeenka Xisbiga tallada haya Md. Xasan Gaafaadhi uu si toos ah u duray qasriga Madaxtooyadda ee uu degen yahay madaxweynaha Qaranku, isla markaana isagoo bartilmaameed ka dhiganaaya Buug, sida uu sheegay ka Waramaaya Waxqabadka Xukuumada uu gadhwadeenka u yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Buuggaas o lagu faafiyey qaar kamid ah barraha Bulshada, ayaa sida Afhayeenku ku dooday, waxa dhinac kamid ah da’haadhkiisa sare lagu dhejiyey Sawiirka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Afhayeenku waxa uu sheegay inaanu Xisbiga Kulmiye wax shaqo ah ku lahayn diyaarinta Buugaas iyo daamacaasiisa toona. Sida darteedna Md. Xasan Gaafaadhi waxa uu xisbiga ka bari-yeelay ujeedada ka danbeysay in sawirka Gudoomiyaha Kulmiye lagu dhajiyo Buug xambaarsan macluumaad aanu wax shaqo ah ku lahayn Muuse Biixi, waxana, Afhayeenku tilmaamay in daabacaadda Buugaa ay lahaayeen dad dano gaar ah ka leh.

Afhayeenka oo arrimahan ka hadlaaya waxa uu yidhi, “..Beryahan waxa baraha bulshada lagu arkaayey Buug tilmaamaya waxqabadka xukuumadda, oo galkiisa sare uu gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ku yaalo. Buugaa waxqabadka waxa soo saaritiisa iska leh xukuumadda, shaqo xisbigu ku leeyahayna ma jirto, waxana hoggaamiye ka ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Siilaanyo iyo adeegayaashiisa u qaabilsan fulinta. Intaanu ka ognahay waxa buugga Daabacaadiisa lahaa cid dano gaar ah ka leh, waxa allaale iyo wax xisbigu shaqo ah oo uu ku leeyahayna ma aanay jirin..”.

Hadalkan cumladeysan ee kasoo yeedhay Afhayeenka Kulmiye Md. Gaafaadhi marka siyaasiyan loo qiimeeyo hadalkiisa, kol waxa uu ina tusayaa Musharrax Muuse Biixi iyo Xisbigiisu in aanay ku faraxsanayn dhaq-dhaqaaqyada ka socda qasriga madaxtooyadda, kolna waxa arrintani sheegeysaa inaanu jirin xidhiidhwada-shaqayneed oo fayo qaba oo ka dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga Gudoomiye Muuuse Biixi ee Kulmiye.

Teeda kale, arrinkani waxa uu si dadban uga turjumayaa arrimo dhawr ah oo beryahaaba hadal hayntoodu bulshada ku dhex wareegaysay, kuwaasoo aynu ka xusi karno qaabkii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ku helay Musharraxnimada Xisbiga, taasoo sida dadka qaarkii ku doodo ahayd arrin aanu raali ku ahayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, hase-yeeshee ku timi rabitaanka iyo raali gelinta cid gaar ah oo saameyn weyn ku leh Madaxweynaha. Waxa kaloo iyana dadka qaarkii qabaan in arrimahani markhaati fur u yihiin kala foggaansho soo jireen ah oo ka dhexeeya Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi, tan iyo intii ay rafiiqa noqdeen, waxa iyana xusid mudan oo dadka qaarkii dhacdadan u nisbaynayaan inay arrintani tahay mid ku lugleh, kuna kooban is afgaranwaa hadda uu dhexeeya Wasiirka Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kuwaasoo intii ka danbeysay kalfadhigii shannaad ee golaha dhexe ee Xisiga Kulmiye aan isku sanba’naanayn, kaddib markii ay ku heshiin waayeen saami qabsiga Xisbiga Kulmiye.

 

 

 

Xigasho Xogreebnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews