berberatoday.com
Mayor Cidin MASUUL CIDHIB TIRAY JAHLIGA
April 15, 2016 - Written by Berbera Today

Waxbarashada: Waa furaha Nolosha, Aqoon la’aan waa iftiin la’aan waa aqal iyo ileys Wadamada aadka ugu horumaray xaga aqoonta waxay gaadheen horumar balaadhan halka wadama aan laga danayn waxbarashada ay yihiin kuwa aad u danbeeya marka dhinac kasta laga eego. si la mid ah sidaas waxaa aad ku kala duwan dadka aqoonta leh iyo kuwa aan marna qiimayn waxbarashada. Haddaba inagoo ka wada dharagsan in aqoontu tahay furaha guusha iyo horumarka (Key of Success and Development) waxa waajib inaga saaranyahay in aynu dhiiri gelino masuulka kaste oo ku heelan sidii uu bulshadiisa uga saari lahaa jahliga. Haddaba Mayor Cidin waxaan ku amaanayaa kuna dhiirigelinayaa doorka uu ka ciyaaro waxbarashadda gobolka saaxil waxa xaqiiqo ah inuu barayaasha dugsiyada Hoose, dhexe iyo sareba ee degmada berbera ka hawl gala uu bil walba siiyo lacago gunooyin dhiirigelin. Sidoo kale Mayor Cabdishakuur wuxuu Semester walba feega jaamacada ka bixiyaa badiba ardayda dhigata jaamacadaha ku yaala berbera waxaanu sanad walba soo saaraa arday badan oo jaamiciyiin. Sidoo kale waxaan meesha ka madhnayn adeegyada horumarineed sida caafimaadka iyo fayo dhawrka wuxuuna si toos ah ula shaqeeya maamulka wasaaradda caafimaadka oo uu kala shaqeeyo sidii bulshada gobolka saaxil loo siin lahaa adeeg caafimaad oo dhamays tiran , dhisida jidad casri ah ayaa iyaguna ah waxqabadka Mayor Cidin intuu uu xilka hayay wuxuu sameeye wadooyin casri ah oo tayadoodu sareyso High Quality sidoo kale waxa dhinac socda inuu marmar dhigo hareeraha wadooyinka taasina waxaanay kor u qaaday bilicda magaalada, haddaba horumarkaa baahsan ee uu is garab wado mayor Cabdishakuur Cidin waxaan aad ula dhacay sida uu ugu heelanyahay dhiirigelinta waxbarashada , shaley Axadii ayay ahayd markii ardayda jaamacadda golis faraceeda berbera aan kala qaby galey xaflada qalin jebinta goobta loogu talo galey ayaa ahayd hoolka weyn ee maansoor berbera waxaan markhaati ka ahaa masuulka kaliyaata ee amaantiisa la iskaga daba maray uu ahaa Mayor Abdishakuur markaste oo magaciisu maqalbaahiyaha kasoo baxo waxa madasha is qabsanaayey sacab iyo mushxarad aan kala go, ayn ardayda iyo waalidiintooda ayaa ka dareen farxadeed ku qaabilay maayorkooga sidaasi darteed ayaa anigana igu kaliftey inaan maqaalkan qoro oo aan ka dareen celiyo bulshadana usoo bandhigo inuu mayor cidin wax badan oo aaynay mayorada la mid ah aanay u qaban bulshadooda uu isagu ku talaabsaday balan qaadyadiisiina ka dhabeeyey. Maayarada degmooyinka kale waxay awooda saaran oo kaliya qurxinta, bilcda iyo jidad cusub oo ay sameeyaan, balse dhisida garaadka iyo caqliga bulshada oo kora ayaa ka muhiimsan wax walba, bulsho tacliinleh ayaa horumar soo kordhin karta, horumarkuna wuxuu ka yimaadaa bulshada maskaxo garaad aqooneed leh oo iskaashaday ayaa sameeya horumar , ubadkeena intaynu calooshooda cunto ku gurayno waxa ka muhiimsan inaynu caqligooda kaabno aqoona ka dhargino. Taariikhdu waa shay dunida laga tix raacaaye Tagto iyo middii taagan iyo tan nagu soo fool leh Sadexdaba dadbaa tebiya oo laga tibaax daaye aqoonyahanku waa tiirka aan tahan ku gaarnaaye Tacaliin haddii aanay jirin tacadi sow maaha Tegnaaloojigaad aragtay oo lagu taxaashaayo Telefoonka iyo taararkiyo weliba tiifiiga Waxa aalad lagu taba bartoo nolosha taabaya Aqoonyahan tijaabiyay ayaa tiigsadoo helaye Tacalliin haddii aanay jirin tacadi sow maaha Tafsiirkiyo quraan iyo xadiis toobad lagu raadsho Taajkiyo riyaadkiyo kitaab diinta nagu toosin Tiirkii islaamkiyo sharciga nalaku taageeray Aqoonyahanka soo tabiyaybaa taabay oo wadaye Tacaliin haddii aanay jirin tacadi sow maaha Tifaf tiraha weriyaha ah oo meel walababa taagan Tiifiiga iyo raadiyaha wararka teeleeya Tixda gabayga heesaha tashiga iyo is taageerka Aqoon yahanku tiirkuu muday taagsanahayaane Tacalliin haddii aanay jirin tacadi sow maaha Tartankiyo adduunkaan ku jira tabac usoo saarka Hubka toogashada iyo biraha togaya liishaanka Beeraha turaabtaa kabadan dalaga noo tuuran Aqoonyan tijaabadi ayay ugu tis qaadeene Tacaliin hadii aanay jirin tacadi soow maaha Tawstiyo xanuunada jiroo taranka aafeeya Tabartaada oo liidatiyo taaha kugu raagay Takhtar kaa daweeyaa jiroo taabled kuu qirine Aqoonyahanku tacab buu ka maray wuuna tiigsadaye Tacaliin haddii aanay jirin tacadi sow maaha

 

 

Qalinkii Ciise Cali Haybe

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews