berberatoday.com
Muxuu Daaranaa Kulankii Dubai ee Sheekh Shariif-ka Soomaliya Iyo Gudoomiyaha UCID?
April 15, 2016 - Written by Berbera Today

Dubai(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, iyo sidoo kale, Madaxweynihii hore ee dawlada ku meelgaadh ah ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in kulan saacado qaatay uu ku dhexmaray magaalada Dubai ee dalka isu-tagga imaaraadka carabta. Ma jiro war labada dhinac kasoo baxay oo kulankooda ku saabsan.

Hase-yeeshee  Wararka laga helaayo kulankan qaarkood, ayaa tibaaxay in Gudoomiye Faysal iyo Md. Sheekh Shariif Sheekh Axmed isla soo qaadeen arriimo la xidhiidha Mustaqbalka danbe ee Siyaasadooda shaqsiyaadeed, isla markaana sida xoggaha lagu sheegay in mid waliba geestiisa kan kale uu ku boggaadiyey kusoo laabashada madaxtimada Soomaliya iyo Musharraxnimada Xisbiga Ucid. Waxa kaloo, wararka amuurtan la xidhiidha xuseen in labada masuul kusoo laabashadooda Siyaasadda sida ay u arkaan ay uga maarmi waayeen mustaqbalka wadahadallada Somaliland iyo Soomaliya.

Kulankan oo ah kii uu horeeyey tan iyo intii ka danbeysay soo ifbixida warar sheegaya in Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe uu madaxweynaha Somaliland u magacabay Gudoomiyaha guddida aqoonsi-raadinta iyo arrimaha wadahadallada ee Somaliland iyo Soomaliya, ayaa marka diblumaasiyan kulankan loo qiimeeyo, waxa uu iftiiminayaa, marka hore sida Gudoomiyaha guddida ahna Gudoomiyaha Ucid ugu jeelan yahay arrimaha Koonfurta Soomaliya xujo la’aan, iyo midda labaad oo iyana ah Istaraajiyad ama qorshe la’aanta Xukuumadda Somaliland ee arrimaha wadahallada Soomaliya ee Masiiriga ah iyo arrinta aqoonsi, oo labaduba u baahan in loo jeexo Siyaasad ku fadhida qorshe cad, oo aan mad-madow lahayn.

 

 

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews