berberatoday.com
Baadariga Uwayn Mad’habta Kaatoliga Pope Francis Oo Booqday Xarun Lagu Hayo Dadka Qaxoontiga Ku Nool Giriiga
April 16, 2016 - Written by Berbera Today

Athens(Berberatoday.com)-Baadariga u wayn mad’habta Kaatoliga Pope Francis, ayaa booqday xarun lagu hayo dadka soo galootiga ah oo ku taala jasiiradda Lesbos ee dalka Giriigga, si uu taageero ugu muujiyo dadka qaxootiga ah ee isku dayaya in ay gaaraan waqooyiga Yurub.

222

 

Waa booqasho qaaban balse ahmiyad weyn leh, oo loogu talagalayba in dareenka loogu soo jiido waxa uu Vaticanku ku tilmaamay xaalad adag oo jahawareer ah.

Baadari-weynaha ayaa ku celceliya baaq ah in naxariis loo muujiyo dadka ka soo cararaya aragagaxa, qalalaasaha iyo nolosha adag.

Waxa uuna rajaynayaa in booqashadiisa Lesbos ay kicin doonto dareenka reer Yurub.

Baadariga ayaa dadkaasi u sheegay in aysan kalinimo dareemin.

Booqashadiisuna waxa ay imanaysaa xilli ay hay’adaha gargaarka iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ay sii kordhiyeen dhaliilaha ay u soo jeedinayaan qaabka uu Midowga Yurub ula tacaalayo dhibaatada muhaajiriinta.

Pope Francis ayaa waxa uu qaxootiga kula kulmay xero ay ku jiraan in ka badan 3,000 oo qof oo sugaya magangalyo ama in dib loogu celiyo waddanka Turkiga.

Qaxootiga ayaa la sheegayaa in aanay meelna uga bixi karin xeradaasi, iyadoo xaaladaha ay ku nool yihiinna ay howlwadeenada gargaarku ku sheegayaan in ay tahay mid aan la aqbali karin.

Baadari-weynaha ayaa waxa uu qaban doonaa xaflad lagu xasuusan doono dadkii dhintay iyagoo isku dayaya in ay soo gaaraan xeebaha Yurub.

Pope-ku waxa uu halkan la imanayaa fariin xoog badan oo niyadda u dhisaysa qaxootiga balse wax xal ah ma wado.

Source BBC

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews