Hadda Baahida Abaaraha Waxa Dabooli Kara Hal Konteenar Oo Macdanta Simoodi Laga Qodo Ah
April 16, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Buuraha Simoodi ee gobolka Awdal waxa laga dhisay warshad lagu safeeyo macdan kala jaad jaad ah oo u badan nooca loo yaqaano Beryl iyo Titanium oo dhulkaasi laga qodo.Warshaddan waxa maamula nin Shiine ah oo la baxay magaca David kaasoo sheegta inuu ka wakiil yahay shirkad la yidhaahdo African Resources Corporation oo aanay jirin meel ay ka diiwaan gashantahay oo aan aheyn wasaaradda Macdanta ee Somaliland.Hasa yeeshee baadhitaan saxaafadeed(investigative journalism) oo uu dhawaan sameeyey wariyaha madaxabanaan ee Maxamad Amiin ayaa daboolka qaaday xogo tilmaamaya in David yahay nin u shaqeeya Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale isla markaana in shirkadda African Resources Corporation ay wada-leeyihiin masuuliin sar sare oo ka tirsan xukuumadda .