berberatoday.com
Madaxweynaha Masar Oo Abaal Gud Laba Jasiiradood Oo Dalkasi Ku Yaala U Siiyey Dalka Sucuudiga Iyo Shacbiga Reer Masar Oo Ka Cadhooday
April 16, 2016 - Written by Berbera Today

Riyaad(Berberatoday.com)-Shacabka Masar ayaa si weyn uga soo horjeestay Go.aanka Madaxweynaha Masar Cabdifatax Al Sisi uu qaatay ee ah in Laba jasiiradood oo ka tirsanaa dhulka Masar lagu wareejiyo Boqortooyada Sacuudiga.

SISI-Salmaan-Jasiirado

Go´aankan ayaa yimid ka dib booqashadii uu dhawaan ku tagay dalka Masar Boqor Salaamka Sacuudiga, waxayna dowlada Sacuudiga heshiis maalgashi ah oo Balaayiin dollar ku kacaya la gashay dowlada Masar.

Madaxweynaha Masar SISI ayaa sheegay in go´aanka Jasiiradaha Tiran iyo Sanafir uu u siiyey Sacuudiga ay tahay Mahadnaq taageeradii dhaqaale ee dowlada Sacuudiga u fidisay dalka Masar sanadihii la soo dhaafay.Jasiirado-Masar-Tiran-Sanafir

Labada Jasiiradood ee Tirana iyo Sanafir oo ku taal bada cas una dhaxeysa dalalka Masar iyo Sacuudiga ayaa waxaa awood military ku qabsaday dalka Masar 1950kii, waxayan jasiiradahaasi kaalin weyn ka ciyaareen dagaalka u dhaxeeyey Masar iyo Isra´iil, iyadoo Madaxweynihii xiligaasi Jamaal Cabdinaasir uu jasiiradahaasi uu ka dhigay goob uu ka xayiro maraakiibta u socotay Isra´iil. Walow aan jasiiradahaasi ahayn kuwo la degen yahay, hadana ahmiyad gaar ah oo military iyo istraatiiji ayey u ahayd dalka Masar.

SISI ayaa u baahan inuu helo taageerada Baarlamaanka Masar oo ay tahay inay ansixiyaan go´aankan Madaxtooyada, hase yeeshee shacabka Masar ayaa si weyn uga horyimid in dalka Sacuudiga lagu wareejiyo Jasiiradahan, kacdoonkan ayaa sidoo kale laga dareemay baraha internetka oo ay dadka ku sheekaystaan iyo qaar kamid ah Telefishinada dalka Masar.

Waxaa go´aankan sidoo kale cambaareeyey xisbiga Ikhwaan Muslimiinka, halka kuwo kalena ay sheegeen in SISI uu doonayo inuu xulafo qarsoodi ah la sameysto Isra´iil iyo Sacuudiga iyagoo sadexadaas dal isu baheysteen dagaalka ka dhanka ah IRAN.

Wasiirka Isra´iil ee arrimaha Militariga Moshe Ya’alon ayaa saxaafada u sheegay in Isra´iil ay si dhaw ulla socotay heshiiska Jasiiradahan lagu wareejinayo Sacuudiga, isla markaana soo dhaweenayaan heshiiskan.

Buundo Isku xidhta Masar iyo Sacuudiga

Boqorka Sacuudiga Salmaan oo 8dii bishan April kulan la yeeshay Madaxweynaha Masar SISI xili uu dalkaasi booqasho ku tagay ayaa sheegay in Sacuudiga uu buundo weyn ka dhisi doono Bada Cas isku xidhta labada dal  ee Sacuudiga iyo Masar.

Arrintan waxay noqon doontaa mid isku xidhta labada dal ee walaalaha ah iyo waliba Labada Qaaradood ee Afrika iyo Aasiya, waxayna sare u qaadi doontaa dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dhinac…` ayuu yidhi Boqor Salmaan xiligii uu booqashada ku joogay dalka Masar.

Buundadan ayaa la sheegay in dhererkeeda uu ahaan doonaa sida la qorsheeyey 25km oo ay isticmaali karaan gaadiidka caadiga ah iyo kuwa xamuulka qaada, waxaana la sheegay in mashruucan uu ku kici doono 6 bilyan oo dollar isla markaana qaadan doono dhowr sanadood dhismihiisa.

Boqorka Sacuudiga ayaa sheegay in Buundadan magaciisa loo bixin doono lagu magacaabi doono Salmaan Bridge.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews