berberatoday.com
Maxaynu Godobta Uga Galaynaa Xuutiyiinta Iyo Iiraan Kol Hadii Aynaan Aqoonsi Iyo Dhaqaale Mudakar Ah Midkoodna Ku Qabin Isbahaysiga Masar Iyo Dawladaha Khaliijka Ee Aynu Rakhiisnimada Kula Safanay. by Haatuf Staff Writer
April 16, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Mudooyinkan dambe waxa isa soo tarayey xidhiidhka u dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Isbahaysiga dawladaha Carabta ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yaman ee ay taageerto dawladda Iiraan.

Waxay aheyd horaantii todobaadkii hore markii ay wafdi balaadhan oo ka socda dawladda Masar ay booqasho ku yimaadeen caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyagoo waliba safar gaar ahna ku tagay dekadda Berbera ee ku taala albaabka koonfureed ee badda Cas.Hadaba Masar iyo dawladaha Khaliijka ee isu bahaystay la dagaalanka Xuutiyiinta waa maxay danta ugu jirtaa inay mar qudha si lama filaan ah ula soo xidhiidhaan Somaliland oo ay muddo dheer ku hayeen go’doomin iyo cadaadis diblomaasiyadeed taasoo ay uga dan lahaayeen inay Somaliland ka noqoto gooni-isu-taageedii ay ku dhawaaqday May 18,1991.

 

Masar oo had iyo jeer sas ka qabta in Ethiopia ay mar uun isku daydo inay ka faaiidaysato biyaha wabiga Niilka Buluuga ah(Blue Nile) ee dhulkeeda uga qulqula dhinaca dalka Suudaan iyadoo marka uu gaadho magaalada Khartuum ay isku darsamaan wabiga kale ee la yidhaahdo White Nile(Niilka Cad).Labadaas wabi ayaa markay isku darsamaan sameeya wabiga weyn ee Niilka loo yaqaano kaasoo la’aanti aanay Masar jirteen.

Wiswaaska(hallucination) ay Masar  ka qabtay in saamigii ay biyaha Niilka ka heli jirtay si weyn isu dhimo daraadeed  ayaa waxay caadaysatay inay isku dhufato oo ay Ethiopia ku kiciso dawladaha la jaarka ah siiba Jamhuuriyaddi Soomaaliyeed ee ay ku midoobi jireen Somaliland iyo Somalia.Sidaas darteed Masar waxay gooni-isu-taaga Somaliland u aragtaa mid daciifiyey dawladii Soomaaliyeed ee ay Ethiopia ku khuukhin jirtay.

Shaki kuma jiro in hadafka dawladaha Khaliijku u socdaan iyo danta ay inaga leeyihiin tahay sidii aanay ciidamada badda ee Iiraan biyaha badda Cas ee ku dherarsan xeebaha dalalka Somaliland,Djibouti,Eritrea iyo Suudaan uga heli lahaayeen meel ay ka taakulayn karaan ciidamada Xuutiyiinta ee Yaman.Si ay taasi ugu hirgasho dawladaha Khaliijku waxay hagaajiyeen xidhiidhkii ay la lahaayeen Djibouti,Eritrea iyo Suudaan.Waxay soo celiyeen xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyey Djibouti iyo Imaaraatka kaasoo ilaa horaantii sanadkan go’naa.Waxay ka hawlgaleen sidii Eritrea looga qaadi lahaa xayiraadii caalamiga aheyd ee saarneyd isla markaana waxay dalkaasi ku caawiyeen lacag lagu qiyaasay $1.5 bilyan taasoo uu hogaamiyaha Eritrea Asiyaas Afwerki ku xidhay inay bixiyaan.Waxay badaleen mawqifkii Cumar Al-bashiirka Suudaan kaasoo xidhiidh fiican la lahaan jiray dan weynna ku qabay dalka Iiraan iyadoo intu iskala fireeyey la soo saftay dawladihii Khaliijka ka dib markii uu ka helay mucaawimo 2.5 bilyuun doolar ah.Xasan Sheekha Somalia qudhiisa ayaa la boobay oo lacagaha uu sanadkan oo kaliya ka helay Sucuudiga iyo Qatar ay kor u dhaafeen 100 malyuun oo doolar.

Madaxweyne Siiraanyo oo safaro door ah ugu noqnoqday Imaaraatka iyo Kuwait ayaa ilaa hadda la ogeyn waxa uu dawladahaasi la galay,waxa uu ka ogolaaday iyo waxa uu ku qaatay toona.Waxa kaliya ee muuqda ee Isbahaysiga Carbeed inaga soo gaadhay waxay noqdeen kun metric ton oo raashin ah oo siduu inoo sheegay wiilka uu Siiraanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil ay Imaaraatku ku caawiyeen dadkii ku tabaaloobay abaaraha.!!!.

Khaliijiyiintu waxay doonayaan inay Masar gaadh uga hayso badda ku xeeran dalka Yaman gaar ahaan biyaha Gacanka Cadmeed ee u dhaxeeya Yaman iyo Somaliland maa daama Somaliland ay leedahay xeebta ugu dheer uguna dhaw ee ay Iiraan hub uga geyn karto Xuutiyiinta .Somaliland waxay  aheyd inay dhaqaale ka badan ka Suudaan iyo Eritrea la siiyey ay ku hesho mawqifkeeda taageersan Isbahaysiga ka soo horjeeda Xuutiyiinta iyo Iiraan.Madaxweynne Siiraanyo isagoo ka faaiidaysanaya fursaddan qaaliga ah waxay aheyd inuu Masar iyo dawladaha Khaliijka shardi kaga dhigo inay aqoonsadaan gooni-isu-taaga Somaliland oo ugu horeyn ka bilaabaan baasaboorka Somaliland oo ay aqbalaan in dalalkooda lagu gali karo walibana Xajkana lagu tagi karo.

Kaaga darane dawladda Somaliland  go’aankeedii ay kula safatay Isbahaysiga Carbeed waxay gaadhay iyadoon isku dayin bal inay ogaato aragtida ay Xuutiyiinta iyo Iiraan qabaan si hadii ay khaldanyihiinna waxay ku khaldanyihiin loogu sheego hadii laga gardaranyahayna loogu garaabo.Kolkaas godobta intaas leeg ma waxaynu u galaynaa in madaxda dalkeena kolba jeebadaha loo soo buux buuxiyo ama lacag loogu shubo xisaabaha ay dibadaha ku leeyihiin ???.

 

 

Xigasho Haatuf.Net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews